Su’aalo hor yaalla DF Somalia oo sheegtay inay musuqa la dagaallamayso (Wasiirro guryo dhisanaya)

0

(Hadalsame) 14 Juun 2019 – Dowladda haatan jirta ee la baxday magaca Nabad iyo Nolol ayaa sheegtay inay dowladihii ka horreeyay uga duwan tahay xakamaynta iyo la dagaallanka musuqa iyo wax dhaafdhaafinta.

Yeelkeede, Wasiirka Maaliyadda DF Somalia, Dr Bayle oo ka mid ah codadka ugu horreeya ama ugu dheer ee arrintaa ka hadla ayaa waxaa su,aalo u baahan in uu ka jawaabo Wasiirka Maaliyada uu ka jawaabo, taasoo khuseeynaysa guri la sheegay in looga dhisayo Hargaysa.

In Hargeysa guri laga dhistaa danbi ma ahan waana meesha dhul soomaaliyeed ugu amaanka wanaagsan hadda.

Balse su’aalaha jawaabta u baahan waxay tahay, haddii uu gurigaas isagu leeyahay.

1.Daartaan wasiirka maaliyada maa leh
2.hadii ay haa tahay, goormuu dhistay?
3. Maxaa cadenyn oo uu bixin karaa in hantidii qaranka aanay qeyb ka ahayn lacagta daarta lagu dhisay?

4. Waa intee qiimaha ku baxay gurigaan?
5. Mushaarka wasiirka marka la isku daro labo sano iyo bar gurigaan ma gooyaa?

6. Ma jiraan ilo kale oo dhaqaale uu ka helay si uu guriga u dhisto sida amaah bangi?

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media