DAAWO: Maraykanka oo soo bandhigay MUUQAAL muujinaya ciidamada Iiraan oo MIINO aan qarxin ka dejinaya markabkii la qarxiyay!

0

(Cumaan) 14 Juun 2019 – Maraykanka ayaa soo saaray muuqaal ay sheegeen in uu muujinayo Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee IRGC oo miino aan weli qarxan ka saaraya mid ka mid ah labadii markab ee shalay lagu weeraray Gacanka Cumaan.

Waxay sheegeen in mar ay saacadda maxalliga ihi ahayd 4:10pm ay dooni nooca roondada badda ah oo la yiraahdo IRGC Gashti Class ay kusoo dhowaatay markabka M/T Kokuka Courageous iyadoo ka dejisey miino badeed aan qarxin, sida uu sheegay Kabtan ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, Bill Urban, oo sidoo kale ah afhayeenka taliska Maraykanka ee US Central Command.

Washington ayaa ku doodaysa inay rumaysan tahay in muuqaalladu ay muujinayaan in xubno ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Iiraan ay fuuleen markabka Japanese-ka si ay uga dejiyaan miino badeedda.

Yeelkeede, Iiraan ayaa si wayn u beenisey sheegashadan iyadoo sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi, isla markaana ay eedda Maraykanku tahay mid ”aan sal lahayn!” isla markaana ay diyaar u yihiin ka shaqaynta amaanka Marinkaasi, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi ee Abbas Mousavi.

Hadalsame Media