DHEGEYSO: ”Halla soo celiyo carruurta caddiban!” – Sweden oo ay doodi ka taagan tahay waxa laga yeelayo carruurta Daacish

0

(Hadalsame) 14 Juun 2019 – Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Save the Children ayaa dowladda Sweden usoo jeedisey inay soo kexeeyaan carruurta ay dhaleen taageerayaasha iyo dagaallamayaasha kooxda Daacish ee Sweden ka tegey, si carruurta loo badbaadiyo waalidkoodna halkan loogu maxkamadeeyo.

Xerada al Howl ee dalka Suuriya, oo ah halka lagu hayo maxaabiista laga qabtay kooxda Daacish, waxaa dadka ku xiran ka mid ah 60-80 carruur ah oo xiriir la leh Sweden, waxaana la sheegay in xaaladda xerada oo aad u xumi ay keento inuu celcelis ahaan hal cunug dhinto todobaadkiiba, taasoo kasii dari doonta marka uu yimaado hanfiga xagaaga oo dhowaan bilaabmaya.

Ola Mattson, madaxa Save the Children ee Sweden ayaa soo jeediyay inay Sweden qaaddo tillaabo deg deg ah oo carruurtaa lasoo wareegto isagoo cuskaday laba arrimood:

”Hal aragti waa ilaalinta xuquuqda carruurta. Marka carruurta iyo waalidkood soo noqdaan waxaa baari kara social-ka. Aragtida kale waa Xeerka Caalamiga ah. Haddii uu qofku dembi ku eedaysan yahay waxaa lagu maxkamadayn karaa hannaanka garsoor ee Sweden oo arrintaa si wanaagsan ugu qalabaysan.

Dalal badan ayaa horay u qaaday tillaabo ay kusoo celinayaan carruur noocan oo kale ah, waxaana ka mid ah Faransiiska, Ruushka iyo Kazakhstan. Yeelkeede, Sweden ayaa weli sugaysa oo aan far dhaqaajin, waloow ay dowladda Sweden mabda’iyan ogolaatay in lasoo celiyo carruurta agoonta ah, balse ka warran kuwa ay waalidkood weli nool yihiin?

Sida uu qabo Cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta, waxaa markasta muhim ah danta ilmaha yar, balse ma cadda inay taasi markasta isku natiijo ku dhamaanayso oo waxaa jira duruufo kale oo baaraandeg u baahan, sida uu qabo Prof Ove Bring oo Xeerka Caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Stockholm University.

”Danta cunugga yari waa inuu badiyaa hooyadii ama qoyska intiisa kale la joogaa. Ha yeeshee, mabda’aasi wuxuu ka hor iman karaa xaqiiqada ah in si loo ilaaliyo danta guud ee bulshada aan dadkaa Sweden la keenin.’’ Ayuu yiri Bring.

Wararka ayaa sheegaya in qaar dadkaa ka tirsani ay weli la dhacsan yihiin aragtiyaha ISIS, qaar baana weli ku dheggan inay carruurtooda ku korin doonaan aragtiyo xag-jirnimo ah.

Ha yeeshee, Madaxa Rädda Barnen ee Ola Mattsson ayaa ku doodaya in ay markasta waajib tahay in carruurta lagu soo celiyo dalka Sweden, isla markaana waalidka halkan lagu baaro.

”Marka ay dadkaasi Sweden kusoo laabtaan waxaa daruuri ahaan la samayn karaa in la qiimeeyo xaaladda waalidka oo haddii la helo sababo aanu ugu qalmin inuu carruurta xanaanayn karo waa in lagala wareegaa.’’ Ayuu yiri Matsson.

Hadalsame Media