”Waxay ahayd maalintii ay Somalia ugu RAJO xumayd!”

0

(Hadalsame) 13 Juun 2019 – Dalkaan maalin uu ka rajo xumaa, kana foolxumaa u maleyn maayo iney jirtay markii meelkasta oo ka mida Koonfurta Soomaaliya ciidamada Ethopia kasoo jeedeen, inta kasoo hartayna wiilal cimaamado wata Bumbada kasoo tuurayeen, Hooyooyinku ilmaha dhabarka ku sideen, waddooyinka looga baxo Muqdishana geedaha hoostooda reeruhu ku hoyanayeen.

Maanta oo ay isbitaalladu qeyb VIP ah leeyihiin, Hoteello Five star ah ku yaallan magaalada Muqdisho, Garoonka iyo Dakadda ay mashquulinayaan diyaarado iyo Maraakiib ay ka babanayaan calamo dowlado Soomaaliya aan rejo ka lahayn siddeed sano ka hor, Maanta oo aan ka hadleyno doorashooyin qof iyo cod ah iyo in la qaado imtixaan ay dowladdu si guud u maamusho, shaqaale dowladeed oo ka badan 10 kun ay mushaar dowladeed qaadanayaan.

Waa run hankeenu waa weynyahay, waan deg-degeynaa waayo waxaa weyn waxa inaga maqan, wadaduna waa fogtahay, waana qodxa badantahay, waxeyna u baahantahay hoggaan garan kara halka la marayo, laakiin marna, marna yeynaan ilaawin halkii laga yimid.

Waxaa Qoray: Maxamed Royal

FG: Aragtidani waxay ka tarjumaysaa tan qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media