DHEGEYSO: Cudur halis ah oo qorraxda laga qaado oo fara ba’an ku haya Sweden (Digniin ku socota Soomaalida)

0

(Stockholm) 13 Juun 2019 – Cudurka kansarka maqaarka ayaa noqday nooca ugu kororka badan dalka Sweden marka loo eego noocyada kale ee isla cudurkaasi.

Sidaa darteed ayay wakaaladda Badbaadada Shucaaca ama kaah-falka ee dalka Sweden ee Strålsäkerhetsmyndigheten u doonaysaa inay dib u eegis ku samayso sidii lagaga hortegi lahaa cudurka kansarka maqaarka. Lena Hallengren waa Wasiiradda Sweden ugu qaybsan Arrimaha Bulshada.

”Way caddahay inaan u baahan nahay aqoon, talo iyo tusaalooyin dheeraad ah, micnuhu maaha inaan ka tanaasulayno u ban bixidda qorraxda, balse waa in la iska jiraa fallaaraha halista ah ee Ultraviolet (UV), ayay tiri Wasiiradda Arrimaha Bulshada Lena Hallengren.

Waqti xaadirkan kansarka maqaarku waa nooca 3-aad ee ugu badan noocyada kansar ee Sweden, sida ay qabto waaxda caafimaadka iyo daryeelka dadwaynaha ee Sweden. Tusaale ahaan, 10-kii qof oo laga helo cudurka kansarka midkood ayaa qaba midka maqaarka.

Sanadkii tegey oo qura, in ka badan 4,000 oo qofood ayuu cudurkani ku dhacay, iyadoo ay 500 oo ka tirsani u dhinteen – halka cudurka kansarka maqaarku uu haatan yahay midka ugu kororka badan dalka Sweden. Wasiiradda Arrimaha Bulshada Lena Hallengren ayaa muujinaysa inay arrintaa ku baraarugsan yihiin.

”Haa, si wacan baannu ugu jeednaa, yeelkeede, marka ay timaado shaqada guud ee laga qabanayo kansarka, waxaa jirta in lacag badan la siinayo rugaha caafimaadka gobollada. Haatan hoowshu waa in si mucayin ah loogu wargeliyaa bulshada Swedish-ka ah ee qorraxda u hilowsan, ayay tiri Wasiiradda Lena Hallengren.

Wakaaladda Badbaadada Shucaaca ama kaah-falka ee dalka Sweden ayaa sanadkan 2019 la siin doonaa 1 milyan oo karoon oo dheeraad ah oo miisaaniyadeeda lagu kabayo si ay howlahan u qabato.

FG: Soomaalida ku dhaqan Sweden waxaa looga digayaa inay yaraystaan qorraxda Sweden oo aad u kulul xilliyada xagaaga, welibana ka kulul midda Somalia oo ah dhul hoose, halka Sweden ay tahay dhul sare.

Hadalsame Media