Laba markab oo saliid qaad ah oo lagu qarxiyey Gacanka Cumaan + Sawirro

0

(Gacanka Cumaan) 13 Juun 2019 – Xaaladda Bariga Dhexe ayaa kasii daraysa kaddib markii laba markab oo ah nooca saliidda qaada lagu qarxiyay Gacanka Cumaan, sida lasoo werinayo.

Labada markab ayaa dadkii laga daad gureeyay, iyadoo uu midkood dab qabsaday, kaddib markii la sheegay in lala helay gantaal badeedka loo yaqaan Torpedo.

Raxanta 5-aad ee Ciidamada Badda Maraykanka oo aagga ka dhowayd ayaa dhambaal qayla dhaan ah la gaarsiiyay, taasoo kaga timid maraakiibtan la weeraray ee MT Front Altair iyo Kokuka Courageous waxayna tageen goobta si ay badmaaxyada u badbaadiyaan.

Arrintan ayaa imanaysa todobaadyo uun kaddib markii isla aaggaasi lagu weeraray 4 markab oo ah kuwa qaada saliidda qeeriin, kuwaasoo ay MaraykanKa iyo dalalka Khaliijkaee la ologga qaarkood ay wax ka saareen dalka Iiraan oo iyaduna iska fogaysey.

Hadalsame Media