Maxaa ka jira sheekada gabadha la sheegay inay ninkeeda ku dartay saaxiibteed?!!

0

(Hadalsame) 12 Juun 2019 – Arrintii Ummu Cabdallaah iyo Sarrah ayaan saaka baaritaan dheer ugu dhaqaaqay. Waxaan dib ugu laabtay keydka sawirrada iyo qoraaladooda Instagram-yadooda, si aan u fahmo dabeecadaha labada qof iyo sida ay wax u jiraan.

1. Ummu Cabdalla Ma iyadaa ninkeeda u guurisay Sarra?

Ummu Cabdalla arrinta waxa ay kaga soo hadashay labo sawir oo kaliya oo ay ku sheegayso in ninkeedii uu guursaday Sarrah, iyadoo aan marnaba tilmaamin in ay iyadu isku dartay ama sida la sheegayo hadiyadda ahaan ugu guurisay.

2. Ma maseyrsan tahay Ummu Cabdallah?

Qoraal ay soo dhigtay waxay ku tiri “Ma garan karno midda uu aadka u jecelyahay labadeenna ama uu fadilayo ” favourite Wife”, sababtoo ah labadayadaba isku si buu noo ammaana, ama wax noogu sheega.” taas oo muujinaysa maseyrka Ummu Cabdalla iyo in booskeeda mar hore la dhacay.

3. Tuhun hore ma ka qabtay in naag kale lala guursado.

Sebtembar 15-keedii 2018kii ayey Ummu Cabdalla qoraal dheer soo dhigtay Instagaramkeeda, kaas oo ay ciwaan uga dhigtay “Xaggee u socotaa” qormadaas oo uu la socdo sawirka kor ku xusan ayey ku muujinaysay cabsida ay haweenku ka qabaan in uu ninkoodu naag kale ka raaco, iyadoona kusoo af meertay “Ninkaaga kalsooni sii, haddii uu yahay nin wanaagsan kalsoonidaas si khaldan uma adeegsanayo.!!

4. Umma Cabdallah qoraal ay soo dhigtay Instigaram-ka bilowga bishii 2-aad ee sanadkan waxa ay Sarrah si dadban ugu codsatay in aysan ka xumaan talooyinka ay siinayso ee ay ku toosinayso “khaladaadkeeda” taasoo muujinaysa in ay qoftaas ku aragtay arrimo ay khalad u fahantay.

Marka Soomaaliyey xaasaskiinna dhaqda saaxiib-saaxiibtiinna ma ahane, arrintan inqilaab buu ahaaye.

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Maxamed

Hadalsame Media