Cudur halis ah oo ka dillaacay dal ay Soomaalidu ku badan tahay (Geeri dhacday)

0

(Kasese) 12 Juun 2019 – Nin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda oo u warramay wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyay in wiil yar oo 5-jir ahaa uu maanta u geeriyoodey cudurka halista ah ee Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay wiilka yar.

Kiiskaasi haatan la xaqiiyay ayaa noqonaya midkii ugu horreyey ee laga soo sheego dalkaasi, tan iyo markii uu cudurkani ka dillaacay dalal badan oo ku yaalla bartamaha iyo Galbeedka Afrika, sida dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo ay Uganda deris yihiin.

Sarkaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa intaa raaciyay in uu wiilka yari xijaabtey xalay saqdii dhexe, isagoo goortaa ku sugnaa xarun kaligii lagu dawaynayay oo ku taalla gudaha degaanka Kasese. Wiilka yar oo cudurka laga helay isla shalaytoole oo Talaado ahayd ayaa la sheegay inay hooyadii u dhalatay dalka Congo, halka uu aabbihii yahay Ugandese.

Uganda ayaa haatan sare u dhigtay heeganka ay cudurkan Ebola ugu jirto, kaasoo haatan kasoo cusboonaaday bariga Congo, halkaasoo laga soo sheegay ilaa 2,000 oo kiis.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ku dhaqan yihiin Soomaali fara badan oo siyaabo kala geddisan halkaa u jooga.

Hadalsame Media

Facebook Comments