Somaliland oo soo bandhigtay eedaymo lala yaabay oo loo haysto Cabdimaalik Coldoon

0

(Hargaysa) 11 Juun 2019 – Xeer ilaalinta Somaliland ayaa iminka soo bandhigtay eedaymaha uu u xiran yahay ee loo haysto weriye Cabdimaalik Coldoon waxaana eedahaa lasoo bandhigay ka mid ah inuu yidhi.

“Taliskani tubtii buu hayaa talisyadii hoogay!”
“Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Ilay oo soo koraya!”

“Dugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn tan Islaamka!”

Waxaa wararkan oo loo qoray sidii koontooyin dembi oo kala nooc ah lagu soo daray qodobbo la sheegay inuu jebiyay, balse aan la sharrixin sida ay arrintan dembi uga dhigayaan, kuwaasoo oo kala ah Qodobbada 44-aad, 45-aad 61XCG.

Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay ilaa 13 qofood oo la sheegay inay ku marag furayaan eedaysane Coldoon oo magacyadooda lagu xusay qoraalka.

Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inuu gacan adag oo aan sharci ahayn kula dhaqmo Xoriyadda Hadalka oo ka mid waxyaabaha asaasiga u ah madax bannaanida umadda.

Hadalsame Media