ITALY VS BOSNIA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Torino) 11 Juun 2019 – Waxaa caawa ciyaaraya xulka Talyaaniga oo wajahaya Bosnia Herzegovina oo ay ku qaabili doonaan magaalada Torino, kulanka 4-aad ee isreebreebka Euro 2020.

Dhanka Talyaaniga: Laacibka Emerson ayaa weli sii haysanaya booska Biraghi oo dhaawacan, halka laacibka soo baxaya ee Mancini uu buuxinaya dadabka kale ee midig. Khadka dhexe wax isbeddel ah laguma samaynayo, balse weerarka waxaa Chiesa bedelaya Bernardeschi halka Quagliarella uu ka cad cad yahay Belotti, ninka kale waa Insigne.

Dhanka Bosnia: Macallin Prosinecki wuxuu dib u helayaa adeegga laacibka khadka dhexe ee Pjanic oo ka ganaaxnaa guuldarradii Finlad. Weerarka Visca iyo Vrancic ayaa ka dambeeynaya Dzeko oo ah weerarka dhexe.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 12 CRAGNO, 22 GOLLINI, 13 ROMAGNOLI, 16 FLORENZI, 2 DE SCIGLIO, 7 PELLEGRINI, 15 SENSI, 23 CRISTANTE, 9 BELOTTI, 14 CHIESA
  • 1 KOVACEVIC, 22 PIRIC, 4 TODOROVIC, 20 NASTIC, 6 MEMISEVIC, 7 BESIC, 13 CIMIROT, 16 BAJC, 18 PREVLJAC, 19 LONCAR, 23 MILOSEVIC, 9 DULJEVIC

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Donnarumma, Perin, Caldara, Politano, Biraghi, Spinazzola
  • Krunic

Hadalsame Media