DHEGEYSO: Laba qarax oo xalay ka dhacay magaalo ay Soomaali badani deggan tahay! + Sawirro

0

(Malmö) 11 Juun 2019 – Habeenkii xalay ahaa waxaa xaafadda Rosengård gaar ahaan meel u dhow Stortorget oo ka tirsan magaalada Malmö ee koonfurta fog ee Sweden ka dhacay laba qarax, taasoo ah xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay, balse wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Qaraxyada ayaa midkood lala beegsaday iridda laga galo guryo dadwayne badani ku nool yihiin oo ku yaalla xaafadda Rosengård halkaasoo uu burbur wayni soo gaarey, wuxuuna qaraxani dhacay in yar uun kaddib saacaddu markay abaaraysey 2-dii saqda dhexe kaddib.

Ha yeeshee, saacad kaddib waxaa misna la maqlay qarax kale oo ka dhacay bannaanka naadi lagu caweeyo oo ku yaalla jidka – adelgatan ee bartamaha Malmö.

Tommy Bengtsson oo ah sarkaalkii xalay heeganka lahaa ayaa ka sheegay inuu jiri karo xiriir ka dhexeeya labada qarax iyo inay ilaa haatan booliisku war sugan ka hayaan qaraxyada dhacay iyo in kale.

”Way adag tahay in hadda laga hadlo, balse waa suuragal in la maleeyo inuu xiriir ka dhexeeyo, mase hayo wax hubban aan haatan sheego, ha yeeshee sida cad meesha loogama saari karo jiritaanka xiriir noocaas ah,” ayuu yiri Tommy Bengtsson.

Xigasho: Raadiyaha Sweden

Hadalsame Media