Ma dhabbaa in dad Soomaali ah laga ”tarxiilayo” Dhuusamareeb? (Maamulka oo ka hadlay?)

0

(Dhuusamareeb) 11 Juun 2019 – Waxaa shalay ay warbaahinnada qaarkood faafinayeen warar sheegaya in maamulka Galmudug garabkiisa Dhuusamareeb ay Soomaalida kasoo jeedda gobollada Bay iyo Bakool ku amreen inay halkaa iskaga baxaan ama xoog lagaga tarxiilayo, balse Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay ku tilmaameen daacayd aanay waxbo ka jirin.

“Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka koonfur galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda” ayuu Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey u sheegay Goobjoog News.

Wuxuu faahfaahiyay sida ay dadka ula hadleen iyo nooca ay yihiin dadka ay la kulmeen ayaa sheegay inay dadkaasi ahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, kuwaasoo uu sheegay inay ballan qaadeen inay la shaqeynayaan hey’adaha amniga.

Ibraahim Jeekey wuxuu sheegay inay tillaabooyinka ay qaadeen ay kaliya khuseeyaan dhanka amaanka balse aanu jirin qof Soomaali ah oo shisheeye magaalada ka ah ama si gaar ah loo takoorayo, isagoo sheegay inay dadka cusub ee yimaada ay waydiiyaan damiin si loola socdo dhaqdhaqaaqyada dembiyada lala xiriirin karo.

Hadalsame Media