Rag ka tirsan DF Somalia oo la sheegay inay ”xaraashayaan” dhulal, beero & hoteello

0

(Hadalsame) 10 Juun 2019 – Dalkaan haddaad sii joogto markaad adigoo shacab ah aad ka shaqeyneyso wanaaggiisa iyo dowladnimadiisa waxaad arkeysaa kuwa ku niyad jebinaya oo kaa xoolo badan dowladdiina ku jira oo dalkii boobaya, xaalkooduna yahay ”BOOBA YAA WADDANI.”

Hadda waxaan ka digayaa in rag dowladda ka tirsani ay qorsheynayeen sanadihii ugu dambeeyay iyadoo horay loogu tuhmayay dhismayaal wasaaradaas hoos tagayay iney hadana xaraashaan Hoteeladii hoos tagi jiray Wasaaradda Dalxiiska sida HOTEELLEDA TALEEX, JUBBA, CURUBA, iyo DHUL BEEREEDKII Wasaaradda Dalxiiska ee ku yaalay AFGOOYE iyo goobo kaleba.

Waxaa iyadoo loo marayo Ganacsato aan wax tartan furan ah u soo marin, balse howshaan oo soo bilaabatay sida aan wararka ku helay 1-Sano ka hor ayna garwadeen ka ahaayeen Masuuliyiintii Wasaaradda Warfaafinta & Dalxiiska ayaa la sheegayaa in Ganacsatada laga hormarsaday lacago aan cadadedkeeda la ii sheegin.

Haddaba, madaxda sare ee dowladda, maxkamadaha dalka, iyo Garsoorkuba waa iney il gaar ah ku hayaan Hantidaa shacabka ee ay doonayaan kooxda yari iney boobaan.. hadii dowladdani tahay dowlad dalka xaraasheysana hala sheego waxbadan baa jiree aan idinla soo xiriirnee

MAXAA BOOB ISDABAYAAL!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media