Ka bogo sida ay sirdoonka Yuhuuddu ku heleen xogta barnaamijkii nukliyeerka Suuriya una burburiyeen + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Juun 2019 – Xaruntii nukliyeerka Al Kibar ee ku tiil gobolka Deir ez-Zor, Suuriya ee israel burburisay.

Waxa ay ahayd 6 bishii September 2007, markii israel burburisay saldhiggii Nukliyeerka suuriya oo xilligaa dhismo ku socday. Waxa uu ahaa mid dad tira yari ka war qabeen iyadoo xitaa aysan la socon Shaqaalihii xarunta ka shaqaynayey hadafka laga lee yahay halka dowladda suuriya ay ka ogaayeen in faro ku tiris ah oo madaxda sare ah kamid ah.

Kanaalka 10-aad ee telefeshinka israa,iil ayaa laga sii daayey qaabkii ay u heleen xogtaasii ka dibna dhulka ku dareen xaruntaasi. Israa,iiliyiinta waxay u aheyd guul basaasnimo tii ugu weyned ee ay gaaran in muddo ah, xogta saldhigaasina waxa ay ka heleen Qabiir suuriyaan ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim cusmaan madaxna ka ahaa dhameystirka saldhigaasi. Qabiirka Suuriya ibraahim cusmaan waxa uu ahaa nin beegsi u ah muddo saddex sano ahna ay raadkiisa ku joogen sirdoonka mossad iyagoo markii dambe la raacay diyaarad qabiirku ugu aaday dhanka yurub, waxa uuna ku degay dhismo kuyaal magaalada veinna ee caasimadda dalka Austriy. xilligaa uu meesha Ku sugnaa waxaa ka war hayey tiro yar oo suuriyaan ah, balse waxaa kor kala socday basaasiin Hay’adda mossad ka tirsan.

Iyadoo waqti duhar ay tahay ayuu qabiir ibraahim ka baxay qolka uu ka degganaa dhisma ku yaal magaalada Veinna una jiheystay dhanka suuqa, markii uu qolkiisa wax yar uun kasii maqan yahayna waxaa soo galay laba nin oo sirdoonka mossad ah oo watay furayaal been ah ama la foojariyeeyey, waxayna galeen qolkiisi oo uu kaga tay kumbuyuutar kiisii gacanta kana shubteen wixii macluumad ama xog la xiriira ee ku jiray, iyagoo ku xawilay Xarunta sirdoonka ee Tal’aviv, baaritaan kooduna waxa uu ugu dhammaaday jawi deganaani ku jirto oo ay isaga ilaali nayeen in qabiirku dareemo sirihiisi laga jabsaday. Xogtii laga soo diray dhanka magaalada vienna ee lagu xawilay dhanka Tal’aviv ayaa lagu billaabay baaritan deg deg ah, israa,iiliyintuna waqtigaa waxay sheegen iney gaaren guul basasnimo tii ugu weyned oo mniga Qarankooda muhiimad gaar ah u lahayd.

Muuqaalladii laga helay xogtaasii ayaa waxaa kamid ah xarunta oo gudaha iyo dibadaba laga sawiray, falanqeyn dheer ka dibna waxaa la isla gartay in Suuriya muddo yar kadib sheegan la heyd awood nuclear ah, iyadoo waqtiga laga baaran degayo ayuu madaxii mosad kulan la qaatay Raysul wasaarihii israa’iil ehud olmert iyo madaxii hoggaanka ciidammada, isagoo la wadaagay macluumadkiisii ku saabsanaa xaruntaasi talooyin la siiyey ka dib waxa uu amray Rw ehud in la duqeeyo.

15 kamid ahaa diyaaradihii dagaalka israa’iil ee noocoodu kala ahaa Ra’am fighters F-16I Sufa fighters, ELINT aircraft oo xambsarsan gantaallada aadka wax u burburiya ayaa qaaday weerarkoodii, iyagoo dignin siiyey maraykanka oo ah saaxiib ka keliya ee ay ku tashato. Waxa ayna helayeen caawimad muhiim oo dhinaca ameerikaanka, oo aheyd in shucaac lagu furo nidaamka difaaca hawada ee ciidanka cirka suuriya, si looga gaashaanto in gantaalladu gaaraan diyaaradaha oo hadafkoodu uusan mira dhalin, waxaana suuragal noqotay in diyaaraduhu halka warshaddu ku tiil gaaran, madaama ay haysteen maabka qariiradii oo buuxda duqeyna la beeg sadaan oo dhulka lasimaan.

Halkaa waxaa ku dhintay 13 kamid shaqaalihii xarunta oo sokeeye iyo ajaanib lahaa, 10 seynisyahan oo kamid ah waxa ay u dhasheen ama ahaayeen Kuuriyada waqooyi.

Sawirka xarunta ka hor sida ay ahayd iyo kaddib marka diyaaraduhu burburiyeen.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media