Kooxaha Talyaaniga oo JUVENTUS iskugu tegey (Milan & Inter oo…?

0

(Milano) 10 Juun 2019 – 15 kooxood oo ka mid ah kooxaha Serie A ayaa isku raacay inay ka hor jeestaan aragtida Juventus oo u guuxdey isbeddel ballaaran oo ay UEFA doonayso inay ku sameeyso Champions League, balse Inter iyo Milan ayaa ka aamusay.

Waxaa lagu dhawaaqay in ay kooxahani isku raaceen qaraar ay saxiixeen aqlabiyadda kooxaha Serie A-ka, kuwaasoo isku dhaarsaday inay gaashaanka u dhigaan hindisaha UEFA iyo ECA oo ay ku midaysan yihiin kooxaha waawayn ee Yurub.

Kooxahan oo ay aragtidooda ku wehliyaan kooxaha yar yar ee horyaallada kale, ayaa waxay sheegeen in UEFA ay doonayso inay ballaariso CL kaddibna ay u sameeyso hannaan ay kooxaha qaar heerka 2-aad u noqonayaan ama soo dallacayaan, taasoo ay sheegeen inay qiime tiri doonto horyaallada maxalliga ah, isla markaana ay keeni doonto inuu dakhliga Serie A hoos u dhoco ilaa 35%.

Yeelkeede, Juve ayaa noqotay kooxaha qura ee qaraarkan ka codeeysay, tiiyoo ay jirto inuu Madaxwaynohooda Andrea Agnelli uu sidoo kale yahay guddoonka ECA oo raacsan aragtida Super Champions League.

Waxaa dheer in kooxaha Inter, AC Milan, Fiorentina iyo Roma ay gebigood ka gaabsadeen inay codayntan ka qayb galaan.

“Haddii haddii ay aragtidiisu tahay mid lagu ilaalinayo kubadda Yurub, wuxuu ku khaldan yahay qaab iyo xiriirka,”  ayuu yiri guddoonka Lega Serie A Gaetano Micciche, oo maagayey guddoonka UEFA Aleksander Ceferin.

Hadalsame Media