Nin caddaan ah oo Maraykan ah oo loo xirey fal dembiyoodyo uu kula kacay dhallinyaro Soomaaliyeed

0

(Faribault, MN) 06 Juun 2019 – Nin reer Minnesota ah ayaa la sheegay inuu bartilmaameedsado Soomaalida, isagoo gabar yar oo Soomaali ah iyo walaaleheed ku buufiyay biyaha jirdiinooyinka lagu waraabiyo, jeer uu ku qaylinayay erayo cunsuriyadeed.

Wiilkan oo ah 18-jir la yiraahdo Zachariah Manahan oo deggan Faribault, Minnesota, ayaa lagu oogey dembiyo ay ka mid yihiin daba dhigasho (stalking), dembiyo la xiriira dhaqan xumo iyo kuwo kale sida inuu hanti burburiyay.

Faribault waxay ilaa 50 mayl (80 km) koonfur ka xigtaa Minneapolis. Gabadha Soomaaliyeed oo 15-jir ah ayaa sheegtay in Manahan uu iyada iyo walaaheed biyo ku rusheeyay, isagoo adeegsanaya tubbooyinka lagu waraabiyo jirdiinooyinka.

Waxay kaloo sheegtay in Manahan uu markale biyo uga soo daadiyay daaqadda dabaqa 2-aad isagoo ku shubay gurigooda, waxaana sidaa ku qoyay roog, alaabo fadhi ah iyo derbiyadii, waloow uu isagu ku dooday inuu dhaqayay balkoonihiisa.

Manahan ayaa xabsiga kusii jiraya maadaama uu qarreenkiisu ka jawaabi waayay farriimo loo diray shalay si uu arrintan uga hadlo.

Hadalsame Media