SAWIRRO: Wuxuu iska dhigay ”bukaan” balse wuxuu isku dayay inuu dhakhtarad kufsado, maxaase ka raacay?!!

0

(Bloemfontein) 06 Juun 2019 – Dhakhtarad jiiftey qaybta shaqaalaha isbitaalkii ay ka shaqaynaysey ayaa waxaa weerar kusoo qaaday nin isku dayey inuu kufsado, balse waxay iskaga badbaadisey iyadoo carrabka ka goosatay.

Dhakhtaraddan oo 24-jir ah ayaa ninkan carrabka ka goosatay kadiib markii uu ninkan oo markii hore bukaan iska dhigayay si uu isbitaalka usoo galo isku dayey inuu xoog ku shumiyo.

Qaniinyada ayaa keentay in la waayo qayb ka mid ah carrabkiisa, iyadoo uu kufsaduhu isagoo xanuun la miir qaadan uu ku cararay qol ka mid ah kuwa ay bukaannadu seexdaan, isla markaana ay daba socoto diilin ka samaysantay dhiig carrabkiisa ka talloogmaya.

Booliiska ayaa markiiba loo yeerey oo yimid isbitaalka Pelonomi Tertiary Hospital oo ku yaalla Bloemfontein, Koonfur Afrika, waxaana bilowgii ninka loo sameeyay gargaar caafimaad qarada dhaawaciisa dartii.

Waxaana kaddib 32-jirkan oo katiinadaysan la hor geeyay gabadhii dakhtaradda ahayd si ay u sheegto inuu isaga yahay, kahor intaan loo wadin isbitaalka Universitas Hospital si loogu sameeyo qalliin dhanka jirka ah oo qurxin (plastic) ah oo buuxa.

Hadalsame Media