Mucaaradku dagaalka ay la galaan dowladdii xilka haysa waxaa ka daran midka ay iyagu isku SUMCAD dilayaan!

0

(Hadalsame) 06 Juun 2019 – Waxaa caadiyan caan ka ah siyaasadda Soomaalida mucaaradad aan xal iyo xikmad toona ku dhisnayn balse raacda istaraatijiyad xil iyo xoolo doon ah oo taageeranaysa falsafadda ”cadkanoow ku cunay ama ku ciidee.”

Haddaba, ustaad Cabdulqaadir Diiriye oo ka mid ah dadka Soomaalida hoga-tusaaleeya ayaa miisaal cajiib ah ku tusmeeyay qaabadda mucaaradadda Soomaalida oo sheeko lagu awaaley. Waxay u dhacaysaa sidatan:

Waxaa laga reebay tartankii orodka oo la qaban lahaa shan maalmood ka dib. Kuma qancin. Wuxuu u gacan qaaday guddigii wax kala saarayey nin ka mid ah. Wuxuu geystey dhaawac isagana waxaa soo gaaray dhaawac lug kaga dhacay. Gartii waa la galay oo guddigii laaluush ayaa ku caddaaday. Isagii ayaa loo xukumay. Tartankii ayaa lagu daray. Laakiin wuu ka haray maadaama lug uu ka dhaawacmay.

Mucaaradka Soomaalida qaarkood, waxay wax ku doonaan dagaal aanay ku khasbanayn. Inay guulaystaan waa laga yaabaa. Laakiin dhaawaca sharftooda ka soo gaara dagaalkaas, ayaa ka hor joogsada xukunkii ay u socdeen.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media