DF Somalia oo ka jawaabtey eedaynta cusub ee Kenya kasoo yeertey!

0

(Nairobi) 06 Juun 2019 – Warqaadka Standard Media ayaa ku dooday inuu helay war cusub oo ”haatan soo baxay” oo muujinaya in baloogyada saliideed ee ay Somalia iib gaysey ay ku jiraan kuwo ku yaalla biyaha gayiga Kenya.

Wuxuu qoray in loosoo dusiyay dokumenti lagu magacaabo ‘Offshore Somalia 2019’ kaasoo ay samaysay Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macaadinta, kaasoo muujinaya 5 xirmo saliideed oo ku yaalla Lamu oo ay Somalia iibgaysey, sida uu wargaysku sheegayo.

Wuxuu sheegay in Somalia suuqa soo dhigtay 15 xirmo oo kala ah: xirmooyinka 131, 142, 152 iyo 153 oo ku beegan Galmudug lana yiraahdo Obbia Basin, xirmooyinka 164, 165, 166, 177, 178 iyo 179 oo ku beegan Hirshabelle lana yiraahdo Coriole Basin, iyo baloogyada 189, 190, 204, 218 iyo 219 oo uu sheegay in la yiraahdo Lamu Basin, kuwaasoo uu wargaysku sheegay in ay ku yaallaan biyaha Kenya, isagoo marna soo hadal qaadin Jubbaland oo ah gobolka ay baloogyadani ku beegan yihiin.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa warkaas ku sheegay mid been abuur ah aysana jirin xirmooyin saliidda Lamu inay dowladda Soomaaliya ku soo dartay sahankii la sameeyay.

”Ma jirto meel ka tirsan Kenya oo lagu soo daray warbixintii la xiriirtay sahanka shidaalka oo ay soo saartay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Cabdulqaadir Abiikar oo la hadlay warbaahinta.

Wasaaradda ayaa iftiimisay in sahanka shidaalka laga sameeyey koonfurta Soomaaliya min Galmudug ilaa Jubbaland, balse aanay jirin qayb ka tirsan xeebaha Kenya oo sahanka lagu daray. Wuxuuna Cabdulqaadir Abiikar Kenya uga digay in ay bulshada lagu marin habaabinayo warbixino been abuur ah.

Dhanka kale, sharikadda Spectrum oo ah middii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ayaa horey u beenisay sheegashada dowladda Kenya ee ah in dhulkeeda lagu soo daray sahanka Shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya.

Hadalsame Media