Macallinka ay u badan tahay inuu Milan qabto & shaxaha uu ciyaari doono (Lucas Paquetà oo fure u ah)

0

(Milano) 05 Juun 2019 – Sida ku dhigan La ‘Gazzetta dello Sport’, macallin Marco Giampaolo oo ah ninka loo badinayo inuu qabto kooxda AC Milan, ayaa la sheegay inuu gebi ahaanba xoorayo shaxda 4-3-3, taasoo meesha ka saari karta Suso oo aan ku habboonayn shaxaha uu macallinkani jecel yahay sida 4-3-1-2 iyo kuwa kale oo laga dhambalay sida 4-3-2-1 iyo midda wada weerarka ah ee 4-2-3-1.

Yeelkeede, Giampaolo oo uu saldhiggiisu yahay 4-3-2-1 waloow uu mararka qaar isticmaalo 4-4-2 oo ay taasi ka dhigayso macallin debecsan, waxaa shaxdiisa Milan kiyaawe u noqon doona Lucas Paquetà, kaasoo uu Giampaolo ka dhigi doonno dhowr boosle, nus-garab dhexe ama xitaa garab-weerar caadi ah sida Dennis Praet, oo weerarka ka tirsanaa oo uu keenay dhexda ama xitaa lambarka 6-aad.

Wuxuu sidoo kale bedeli doonaa booska uu ka dheelo Calhanoglu, oo uu ku tijaabin doono booska daafaca ka horreeya ee uu ka tegey Bakayoko iyo boosas kale sida nus-garab dhexda ah, isagoo doonaya inuu sida ugu wanaagsan uga faa’iidaysto xiddigaha uu haysto, isagoo iska diraya kuwa aan qorshihiisa anfacaynin.

Intaana kuma ekoo Milan waxay sidoo kale soo kordhin doontaa dhowr laacib si loo buuxiyo booska ay ka baxayaan laacibiin ay qaarkood durba tageen, waxaana xiddigaha ay haatan doonayso ugu horreeya Stefano Sensi,  Joachim Andersen, Dennis Praet iyo Sandro Tonali.

Jimcaha ayaa lagu wadaa in la rasmiyeeyo heshiiska Paolo Maldini ku noqonayo Maareeyaha dhanka Farsamada ee Milan iyo inta hoos imanaysa sida Maareeyaha Ciyaaraha, Maareeyaha Junyarka, Maareeyaha Kooxda, Macallinka kooxda iww.

Hadalsame Media