Caddayn hor leh oo loo helay in Kenya aysan marna lahayn dhul-badeedka ay sheeganayso (Dokumenti cusub)

0

(Hadalsame) 05 Juun 2019 – Sanadkii 2009-kii, waxay Kenya mar qura lasoo toostay wax ay ku sheegtay ”muran” kala dhexeeya Somalia, iyadoo dhowr moowqif oo ay istaagtey ku muujisey inay waddo caqliyadda ”ku qabso ku qadi mayside”, tusaale ahaan:

1 – Kenya haddii ay dhulka iyadu leedahay maba adeegsateen erayga waa ”lagu muransan yahay” ee waxay la iman lahayd eray bixin kale, waayo qof jidka maraya inta ka daba orodid kaalay boorsadayda igula muran qofna ma yiraahdo.

2 – Uma baahateen inay qalqaalo u gasho in ay hesho madax Soomaliyeed oo u saxiixa heshiis dhigaya in ”dhulkaa lagu muransan yahay.”

3 – Ma diiddeen in kiiska la hor geeyo Maxkamad caalami ah, haatanna kama sii hor degteen go’aanka la sugayo bisha Sebtembar oo ay sii sheegeen inaysan ixtiraami doonin.

Yeelkeede, waxaan helnay warqad caddaynaysa in dhul-badeedkan uu leeyahay dalka Somalia, waxaana caddaynaya sharci la rasmiyeeyay 1989-kii iyo sharciyo badan oo kasii horreeyay sida:

Qodobka 67-aad, fakhraddiisa 5-aad iyo Qodobka 82-aad, fakhraddiisa 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xeer lambar 49 bishii Diseembar 1984-kii

Sidoo kale Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee la meel mariyay 09-02-1980-kii.

Ku dar Xeerka Badaha u diiwaan gashan QM (UN Law of the Sea), kaasoo lagu saxiixay ganacan Montego Bay ee dalka Jamaica 10-12-1982-kii.

Sharciyadaas oo dhami waxay Somalia siinayaan xuquuqda ah in jiitinta xadka Somalia la raaco marka la calaamaynayo biyaha maxalliga ah ee dalka.

Hadalsame Media