SAWIRRO: Kenya oo Soomaali badan ku saxariirisay Gegada JKIA (Maxaa Soomaalida looga baahan yahay?)

0

(Hadalsame) 03 Juun 2019 – Kenya waxba wanaag ah uma hayso Soomaaliya, ninkii jaajuus u ah iyo kan Keenyaatiga ah isku si ha loola dhaqmo.

Nasiib darro Kenya oo shacabkIi Soomaaliyeed saas ula dhaqamaysa in kuwa siyaasiyiin Soomaaliyeed sheeganaya ay intay hoy ka dhigteen ka shaqaynayaan dhibta dalkooda.

Dad baan uga xumahay in shacabka Soomaaliyeed, loo dhibaateeyo in ay soomaali yahiin oo kaliya ayana in ka badan 24 saac ku silcayaan Garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Nayroobi.

Shacabka Soomaaliyeed ha ogaadeen in ay sharaf ku leeyahiin dowladnimo qabiil iyo reer uusan meel gaynayn,

Sidoo kale waa in safarkooda haddii aysan ka fursan waayin aysan kenya ka dhigan dariiqa safarkoodda oo ay wadamadda kalle ka dhigtaan dariiqa ay marayaan xilliyadda ay safarka yahiin, sidoo kalena aysan raacin diyaaradda kenya oo aysan goosan Tigidkeedda.

Isla markaasna waa in waxyaabaha kenya laga keeno la joojiyo oo qaadku ugu horeeyo qofkii raali ka noqda lacagtiisa in lagu dhibaateeyo naftiisa iyo tan walaalki ha ogaado berri waxii soo gaara in asagu isu geystay maanta go’aan qaaddo oo jooji badeecaddaha kenya aad ka soo gadanayso nooc kasta oo ay tahay.

Midnimo iyo wadda jir ayaa qaymo iyo qadarin lagu helaa.  Qoysna qaran ma noqon karo.

Waxaa Qoray: Saciid Muuse Shire

Hadalsame Media