”Kuwa aan waxba barani waxay galaan Baarlamanka!” – Diblomaasiyad Ingiriis ah oo ka dhigtay saamaynta ay kaalinta ardaygu ku leedahay waxa uu noqonayo!

0

(Hadalsame) 03 Juun 2019 – Diblomaasiyadda reer Ingiriis ee Jane Marriott ayaa warbixinteedii waxbarashada DUNIDA Carabta (iyo dabcan bulshooyinka la jaal ka ahba sida Soomaalida) ee ay siinaysay golaha loo dhanyahey ee Ingiriiska:
Waxay tiri:

“Nidaamka wax barashadu wuxuu keenayaa kala duwaanaasho la yaab leh.

Ardayda gala kaalimaha 1-aad ee maskaxda badan waxay aadayaan kuliyadaha Caafimaadka & Injineeriyada.

Halka kuwa kaalimaha heerka 2-aad ku soo baxa ay aadayaan kuliyadaha Maamulka, Maaraynta iyo Dhaqaalaha, sidaasna ay ku noqonayaan maamuleyaasha kuwii kaalmaha 1aad galay.

Halka kuwa kaalimaha 3-aad ku baxaa ay aadan Siyaasadda, sidaasna ay noqdaan siyaasiyiinta dalka, una taliyaan kuwii kaalimaha 1-aad iyo 2-aad galay.

Waxaa kuu soo haray kuwa ku dhacay wax barashada, waxay ku biiraan ciidamada gaashaan-dhiga iyo booliska waxayna u taliyaan Siyaasiyiinta iyo Dhaqaalo-yahanada, waxayna ka ridaan jagooyin kooda ama wey dilaan haday doonaan.

Tan ugu sii darani waa in kuwa aanba gelin dugsi wax barasho in ay noqdaan Xildhibaano, Duq magaalo iyo Madax beeleedyo, kuwaas oo dhamaan inta hore oo dhami ay ka amar qaataan”.

Dhibkaan dalkeena ma ka jiraa, sidee baadse is leedahay waa looga bixi karaa?

Xigasho: Maxamed A Geeddi

Hadalsame Media