WAR CUSUB: Kim Jong Un oo la sheegay inuu KHAARAJIYAY ergaygiisii khaaska ahaa ee ugu qaybsanaa wada-hadallada Maraykanka (Daawo)

0

(Pyongyang) 01 Juun 2019 – Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in ay Maraykanku u kuur gelayaan warbixinno soo gaaraya oo sheegaya in la khaarajiyey diblomaasi sare oo North Korean ah, kaasoo qayb ka ahaa dadkii ka qayb galay kulankii Donald Trump iyo Kim Jong Un ee ka dhacay Hanoi, Vietnam, horraantii sanadkan.

Warqaadka South Korean-ka ah ee Chosun Ilbo ayaa qoray in Kim Hyok Chol, oo ahaa ergay gaar ah oo North Korea ugu qaybsanaa arrimaha Maraykanka uu khaarajiyay Kim Jong Un kaddib markii uu fashilmay kulankii 2-aad bishii Febraayo.

“Waxaanu ujeednaa warbixin aannu aad iskugu dayayno inaan hubinno,” ayuu yiri Pompeo oo saxaafadda la hadlayay jeer ay shir jaraa’id wada qabteen dhiggiisa Jarmanka Heiko Maas oo ay isku arkeen Berlin.

Wargayska ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya ilo qarsoodi ah oo North Korean ah, in Kim Hyok Chol lagu diley bishii Maarso gegada dayuuradaha ee Mirim oo ku yaalla caasimadda Pyongyang isagoo ku xujoobey eed la xiriirta inuu “u xaglinayo dhanka imbiraaliyadda Maraykanka oo uu khiyaamayo hoggaanka sare ee dalka”, sida lagu yiri.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media