Aad baan uga doodnay sababta uu Ahuru MASJID u galay, balse kama doodno sababta aan iskugu dhex DILAYNO!

0

(Hadalsame) 01 Juun 2019 Kuwee Alle u dhow? Kuwee se dawladnimo mudan? Maalmahaan soomaalidu waxay aad u hadalhaysay socdaalkii uu Madaxweynha Kenya Uhuru Kenyatta ku tagay masjidu jaamica Nairobi, halkaas uu salaadda jameecada muslimiinta kula tukaday kula na afuray.

Inta badan qoraallada soomaalida ee aan arkay socdaalka Kenyatta ee madaajidka waxa ay u badnaayeen hal u jeeddo, taas oo ah “sidee gaal masaajid u galay, ugu tukaday? Weliba safka jameecada u galay?”

Markaas aan ku mashquuldannahay salaadda Uhuru ku tukaday masaajidka caasimaddiisa ku yaalla waxaa bartamaha caasimadeenna lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo soomaaliyeed oo reer Afgooye ahaa Muqdisho na waxbarasho u joogay.

Waxaa la dilay asaga oo soomman oo ka soo baxay masaajid uu salaaddii jimcada ku soo tukaday. Cabdalla Maxamed Maaxi dilkiisi waxaan uga jawaabnay sidii ay uga jawaabi jirnay kumannaankii asaga oo kale ahaa ee sidiisa oo kale xaqdarrada lagu dilay. Ilaahay ha u naxariisto ayaan ku gaabsannay. Su’aashu waxa ay tahay Muqdisho iyo Nairobi tee baa Alle u dhow?

Ma tan muslimku muslimka kale masaajidka ku dhexdilayo mise tan muslimka iyo gaalku isku saf ku afurayaan oo Alle lu caabudayaan?

Haddii tan kale Ahuru masjidka ugu diidayno qiimaha uu nala leeyahay sidee u aqbalnay in dad Muslim iyo Soomaali sheeganayaa ay masaajidda dadka ku dhex dilaan, weliba dad aan waxba ka qabin oo aanay wax xaq ah gebi ahaanba ku lahayn?

Ma ahan in aan la yaabno ama ceebaynno madaxweyne Kenyatta oo masaajid ku tukanaya ee waa in aan ka masayrno Kenyatta iyo dadkiisa. Waa in aan iswaydiinno haddii deriskeenna waa gaal iyo muslim ahi sidaan u wada nool yihiin maxaan annaga oo muslimiim ahi masaajidda isugu dhexdilaynnaa?

Soomaalaay waan isabar goynay, dadkeenni waxa ay noqdeen wax xabbadi dishay, wax cudurro iyo baaro huf ka dhigeen iyi wax qaxat oo dalal shisheeye maalkoodi iyo muruqoodi la aaday.

Soomaalaay haddaan sidaan ku sii soconno dariskeennuna gaal iyo muslimkoodi sidaaas ku sii socdaan dadkeennu waa ay dabargo’ayaan dalkeennana dariska ayaa waadan doona. Aan isbadqabanno weli dabaqabasho ayaan leennahay e.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Sawirka wiilka dhexe waa midka la diley AUN.

Hadalsame Media