SAWIRRO NAXDIN LEH: Gaariga oo xawaare dhaaf ku socda ayaa jidka ka baxay kaddibna HOLCAY (Sida uu u dhacay shilka uu Reyes ku dhintay)

0

(Sevilla) 01 Juun 2019 – Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Sevilla, Jose Antonio Reyes ayaa shil gaari ku dhintay maanta isagoo 35-jir ahaa.

Farriin lasoo dhigay Twitter-ka Sevilla qaybta af Ingiriisiga ayaa u qornayd: ‘Ma sheegi karno war noogu xun geerida laacibkii ay Sevilla jeclayd ee Jose Antonio Reyes oo ku dhintay shil gaari oo isku dhac ka dashay.’

Reyes ayaa la sheegay inuu gaari kale ku dhacay jeer uu marayey tuulada Utrera, oo ah magaaladii uu ku dhashay oo ku taalla meel ka yara baxsan magaalada Seville.

WARAR DHEERAAD AH

Laacibka ayaa la sheegay inuu la dhintay wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo 23-jir ahaa iyo nin kale, kaddib markii uu gaarigu gaddoomey ee uu deeto dab qabsaday isagoo maraya Utrera. Gaariga ayaa la sheegay inuu jidka ka baxay.

Waxaa la sheegay inuu xilligaa tababarka ka baxay isagoo u socdey gurigiisa oo ay joogeen xaaskiisa iyo 3 carruur ah oo uu dhalay, kaddib markii laga reebay kooxda Extremadura oo berri la ciyaari lahayd Cádiz, sida ay sheegayso warbaahinta Spain.

Booliiska Spain ayaa sheegay in Reyes uu watey Mercedes Brabus S550V isagoo ku socdey xawaare dhan 120 mayl saacaddiiba, taasoo 50 mayl ka badan xadkii jidka A-376 loogu tala galay kaasoo u dhow Alcala de Guadaira, bannaanka Seville. Gaariga oo geddi cad u dhacay ayaa gebi ahaanba gubtey.

Wiilka ay ilma adeerka ahaayeen ayaa la oran jirey Jonathan Reyes, 23 jir, kaasoo gadaal fadhiyey, waxaana la dhintay nin 3-aad oo la yiraahdo Juan Manuel Calderon kaasoo ay u suura gashay inuu gaariga bannaanka uga boxo, balse uu jirkiisu 60% gubtey, kaasoo ku dhintay isbitaalka Virgen del Rocio ee magaalada Seville.

TAARIIKH KOOBAN

Wuxuu beryihii dambe u safanayay koox heerka labaad ah oo la yiraahdo Extremadura, taasoo uu heshiis 5-bilood ah la galay bishii Jannaayo.

Reyes ayaa se waayihiisa ciyaareed ku bilaabay kooxda Sevilla, oo uu kulan bilowgiisii u dheeley isagoo 16-jir ahaa.

Wuxuu deeto u wareegay kooxdii la loodin kari waayay ee Arsenal oo uu fasalkii 2003-04 ugu wareegey £15milyan oo gini, wuxuuna la qaaday Premier League, FA Cup iyo Community Shield. Wuxuu ahaa Spanish-kii ugu horreeyay ee hanta horyaalka Ingiriiska.

Reyes ayaa ka tegey woqooyiga London isagoo amaah ugu biiray kooxda Real Madrid taasoo uu kasii aadey Atletico Madrid oo uu si rigli ah ugu wareegay 2007, kuwaasoo uu 2 jeer la qaaday Europa League.

Hadalsame Media