MW Somalia oo kulan doceedyo la yeeshay madax ka qayb geleysa shirka Iskaashiga Islaamka + Sawirro

0

(Maka) 01 Juun 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.

Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah.

Madaxweynaha Somalia ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu soo qaaday dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Shirkan ayuu Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis uga faa’iidaystey sidii uu Sucuudigu taageero niyadeed iyo mid siyaasadeed ugu heli lahaa hardanka uu kula jiro dalka Iiraan.

Hadalsame Media