SAWIRRO: Taageerayaasha Liverpool & Spurs oo ku qulqulaya Madrid (Hal mashaqo oo haysata)

0

(Madrid) 31 Maajo 2019 – Taageerayaasha labada naadi ee Liverpool iyo Tottenham oo habeen dambe ku ballansan magaalada Madrid oo martigelinaysa dhamaadka Champions League ayaa halkaa raxan raxan u tegaya iyagoo adeegsanaya dayuurado, tareenno iyo gawaari intaba.

Kulankan wada Ingiriiska ah ayaa habeen dambe ka dhacaya gegada Atletico Madrid ee cusub Wanda Metropolitano balse waxaa magaalada tuban kumannaan taageere oo tigidho la’aan ah, maadaama labada naadi loo qoondeeyay min 32,000 oo taageere.

Samy Darwish, oo ah taageere Liverpool oo 41 sano iibsanayey tigidhada fasal-ciyaareedka kooxdiisa ayaa looga dhaartay hal tikit kaddib markii loo cuskaday xeer ah in aanu fasalkan hal kulan oo dool ah (away) kooxda u raacin ciyaaraha Champions League dhamaadka kahor.

Mr Darwish, oo ah dhakhtar ilkood ayaa kasoo duulay magaalada Dubai oo uu deggan yahay isagoo sidoo kale ciyaar kasta oo ay Liverpool gurigeeda ku dheeleey oo Champions League ah ku daawaday Anfield.

Wuxuu soo istaagey fagaaraha Puerta de Sol square ee Madrid isagoo xiran funaanad ay ku qoran tahay: ”waxaan u baah nahay tikit’ isagoo ku gunuunucay: ”Waa niyad jabay. Ma rumaysan karo inuu naadigu ii sheegay inaanan u qalmin tikit ciyaarta fiinaalka.”

Taageere Tottenham ah, John Burt, oo ka yimid Bagshot, Surrey ayaa Daily Mail u sheegay in uu la diyaar yahay ilaa £7,000 oo gini si uu u helo tigidh suuq madow ah.

Taageerayaasha qaar ayaa ilaa £10,000 haysta welina tikit la’.

Hadalsame Media