SAWIRRO: Gunners guuldarradii Chelsea waxaa uga dara geni la’aanta suuqa kala iibsiga (Dhibaato la gudboon)

0

(London) 31 Maajo 2019 – Kooxda Arsenal ayaa marka laga yimaado guuldarradii bahdilka ahayd ee Chelsea ka gaartey dhamaadka EL waxaa lasoo gudboonaatey arrin kale oo aan ka farxinaynin taageerayaasha taasoo ah inay haystaan miisaaniyad aan ka badnayn £45milyan oo gini.

Macallin Unai Emery ayaa naadiga waydiinaya in loo baahan yahay dib u dhis xooggan haddiiba ay doonayaan inay codkooda dhiibtaan xilli-ciyaareedka soo aaddan marka uu la kulmo Raul Sanllehi iyo Xoghayaha Guud ee Vinai Venkatesham maalmaha soo aaddan.

Balse waxaa jirta caqabad ka dhalatay usoo bixitaan la’aanta  Champions League sanadkii 3-aad oo xiriir ah iyo guuldarradii Chelsea ee Europa League final oo dishey rajadii ugu dambeeysey, taasoo bedeleeysa qorshihii Gunners ee suuqa kala iibsiga.

Emery ayaa haddii uu Arbacadii badin lahaa heli lahaa ugu yaraan £90m oo gini oo kaash ah taasoo uu ku darsan lahaa haddii uu lacalla laacibiinta qaar iibiyo kharashka kasoo baxa.

SAAMAYNTA GUULDARRADAAS

Balse kaddib guuldarradii Blues ee Baku Gunners ma goyn karto laacibiintii ay cayrsanaysay oo ay ka mid yihiin; Wilfried Zaha oo ku kacaya £80m, James Maddison oo ay Leicester ku rabto £60m.

Laacibka RB Leipzig ee u safta 21-jirrada Faransiiska, Dayot Upamecano oo ah 20-jir lagu qiimeeyo £65m. Laacibka Bournemouth ee Ryan Fraser oo £30milyan oo gini jooga iyo daafaca Getafe ee Djene Dakonam.

RAGGA TEGI KARA – Arsenal ayaa doonaysa inay fasaxdo Mesut Ozil, Henrikh Mkhitaryan iyo Shkodran Mustafi, waxaa sidoo kale tegeya Aaron Ramsey oo bilaash ugu biiray Juventus, Danny Welbeck oo qandaraaskiisu idlaaday iyo Petr Cech oo howlgabaya, taasoo Arsenal u biirinaysa mushahar dhan £50m oo gini.

INTA GENI EE AY GUNNERS HADDA GACAN KU HAYSO

Kooxda Arsenal ayaa haatan waxay suuqa ula diyaar tahay miisaaniyad gaaraysa £45milyan oo gini, taasoo aad uga gaaban lacagta ay u baahan tahay marka la eego laacibiinta ay soo gadan lahayd, waxaana khasab ah sanad kale iyo miisaaniyad gunti isku giijis ah.

Hadalsame Media