QISO QURUX BADAN: ”Waxaan ahaa gabadhii ugu horreeysey ee gaari-faras lagu guuriyo!”

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2019 – Markii aan is guursaneynay ee aan nolosha ku midownay, waxa aan ahaa 12 jir. Wali waan xusuustaa. Gaari-faras ayuu soo kaxeystay si uu ii guursado oo na loogu galbiyo. Hore uma aysan dhicin in gabar tuulada ku nool lagu soo doonto gaari-faras, waxayna aheyd dhacdo tuuladeenna ugub ku ah. Aad baan ugu farxay faan beyna ii aheyd. Gaarigaas iyo faraskiisaba qiimo ahaan waxa ay joogeen beeso ama lacag dhan 10 taka oo shilin Bangaaladheesh ah. Beer aad u weyn ayuu lacagtaas ku iibsan karay.

Arooskeenna kaddib, odaygeygu waxa uu iigu yeeri jirey ‘Ranga Bou’ oo la macno ah ‘oorida quruxda badan’. Waxa uu igu tilmaami jirey in aan ahay haweeneydii ugu bilicda sarreysay ee uu abid indhaha saaro intii uu noolaa. Waxaa dhici jirtay in dadka tuuladu ku kaftami jireen muuqaalkiisa, waayo waxa uu lahaa midab madow.

“Dhagax madow oo qoorta silsilad luul ah loogu xiray” ayey ku tilmaami jireen in uu la mid yahay. Laakiin ninkeygu waxba kama soo qaadi jirin hadalladooda; waxaana uu u muuqday mid faraxsan oo dhoolacaddeeya marka ay dadku sidaas ula kaftamaan. Waxa uu had iyo jeer igu dhihi jirey, “Eeg sida aad u qurux badan tahay!”

Wadajir baan aheyn 75-kii sano ee la soo dhaafay. Labo sano ka hor, waxa aan u baxay safar fog si aan u booqdo wiilkeyga curadka ah iyo reerkiisa. Waxa aan ninkeyga uga tagay wiilkeyga yaraanka ah iyo reerkiisa. Gabadha aan soddohda u ahay ayaa ii sheegtay 10-kii daqiiqaba in uu magaceyga ku dhawaaqayey:

“Aawday Ranga Bou! Miyey soo hadashay? Goorme ayey immaaneysaa?” Wuu isku dhex yaacay aniga la’aantey. Safarkaas ka hor, waligeen kalama tagin intii aan wada nooleyn. Si wadajir ah ayaan subax walba u toosi jirnay, una cibaadeysan jirnay. Wey ku adkaan jirtay in uu cuno raashiin aanan gacanteyda ku sameyn. Markaan u soo fariisanno raashiinka, inta ugu badan ayuu i siin jiray.

Haddii aan ka xanaaqo oo aan hadalka ka goosto, dhinaceyga ayuu soo fariisan jiray, meel kalena ma aadi jirin illaa aan u dhoolacaddeeyo oo aan farxad u muujiyo. Haddii aan ka maqnaado waxoogaa ilbiriqsiyo ah, waxaa caado u aheyd in uu i baadigoobo isaga oo dhahaya, “Aawday xaaskeyga quruxsan [Ranga Bou]?” Isaga ayaa sabab u ahaa in aanan meelna ka aadin.

Waa laga yaabaa in aan is arki wayno. Waxa aan gaarnay da’dii galbashada iyo geerida. Ma doonayo in aan hortiis dhinto. Haddii kale wuu waalanayaa aniga la’aantey. Xaaskiisa quruxsan ayuu meel kasta ka raadinayaa. Alle waxa aan ka baryayaa in uu i oofsado isaga kaddib.

Sawirka iyo sheekada: Mosir Uddin Sarder oo ah 105 jir (midig) iyo marwadiisa Ranga Bou oo 87 sano jir ah (bidix).

Waxaa qoray: GMB Akash
Waxaa turjumay: Ibraahim Nolosha

Hadalsame Media