Shacabka Soomaaliyeed JAWAAB ayay ka sugayaan Md Warsame (Daawo muuqaalka)

0

(Hadalsame Media) 28 Maajo 2019 – Wasiir Gudeedka Somaliland ee Maxamed Kaahin iyo Guddoonka UCID ee Faysal C Waraabe oo ka mid ahaa wefdi iska xaadiriyey magaalada Nairobi oo ay beryihiin dambe is qardoofeen Muqdisho ayaa waxay warbaahinta u sheegeen hadal micne wayn ku fadhiya.

Wefdigan ayaa markii uu ku laabtay Hargaysa la hor dhigay su’aal adag oo laga waydiiyay sababta ay xalaal u tahay marka ay iyagu la kulmaan madaxda Somalia sida C/raxmaan C/shakuur, balse ay xaaraan u tahay marka ay la kulmaan Xisbiga Waddani.

Yeelkeede, waxaa su’aashii dafay Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo qaab is difaacid balse aan su’aasha ka jawaabaynin u sheegay inay shaac ula kulmaan madaxda Somalia, iyagoo dabaqaya istaraatijiyad ku dhisan ”Cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa” isagoo laakiin arrinta u sawiraya mid ku wajahan Farmaajo oo ay haatan Kenyan-ku tooda marsiin la’yihiin oo uu sheegay in la tuurayo, balse markii la fasiro Kenya waxay dhul ka rabtaa Somalia ee boos Farmaajo uma socoto.

Haddaba, haddii ujeedka Farmaajo loo beegsanayo lagu xiriiriyo xiisadda ay Kenya aloosayso waxay howraarta ”Cadowgaa cadowgiisa waa saaxiibkaa” ina Shakuur u sawiraysaa nin cadow ku ah Somalia oo daneheeda la dagaallamaya isagoo caawinaya cid kasta oo ka hor jeedda.

Taas waxaa sii dheer in, waloow uusan kaligii arrintaa ku eedaysnayn oo ay kula jiraan rag kale sida CCC, Ina Oomaar xitaa Sheekh Shariif, uu misna isagu yahay ninka qalinka ku aasay waxa lagu sheegay ‘heshiiska is fahamka ah” ee ah waxa ay Kenya muranka oo idil u cuskanayso, inuu xilli ay Kenya doodahaa oogayso uu weliba xarun ka dhigto Kenya dad badan baa su’aalo iska waydiinaya kuna tilmaamaya in marka laga soo tago siyaasad xumo taa ka muuqata uu misna AAW isku qirayo inuu arrintaa ku waafaqsan yahay Kenya.

Sidaa darteed, waxaa ina Shakuur ku waajib ah inuu ka jawaabo walaaca bulshadu ka qabto moowqifkiisa ku aaddan qaddiyaddan halista ku ah qarannimada dalka, waayo xitaa dad badan ayaa qaba in haddii uu aamuso ay si dadban ugu caddayn doonto inay gacmo hoose oo inta la ogyahay ka badan ka dhexeeyaan isaga iyo Kenya oo ah dal u malabsanaya dhul Soomaaliyeed, sheekaduna markaa waa ka wayn tahay dowlad heblo ayaan mucaarad ku ahay ama hebel baan nebcahay oo ah cajaladda uu weli noo shidayo ina Shakuur, xitaa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhacsan yihiin.

Hoos ka daawo jawaabta Faysal C Waraabe oo muuqaal ah.

Muuqaalka: Horncable TV

 Tifaftirka: Hadalsame Media