DAAWO: Siyaasi Soomaali ah oo ”badbaadiyay” Xisbi dhan oo Swedish ah (Sabab?)

0

(Stockholm) 27 Maajo 2019 – Cabdulqaadir Salaad Cali waa siyaasi Soomaaliyeed oo ka tirsan Xisbiga Liberaalka ee dalka Sweden, kaasoo noqon kara ninka kaligii u ceeb astura Xisbigan.

Xisbiga Liberalerna ayaa Salaad dartii haatan ku tashanaya inuu kursi ka helo Baarlamanka Midowga Yurub isagoo aad ugu fashilmay doorashada Sweden oo uu ka helay 4.1%, taasoo ka dhigan inuu sibiq uga baxsaday inuu gebi ahaanba kursi waayo.

Yeelkeede, waloow uu Swedish-ka kale ku ag fashilmay wuxuu Xisbigani naq ka degey xaafadaha ay Soomaalidu u badan tahay ee Rinkeby iyo Tensta, kuwaasoo uu ka helay wax ka badan 29-30%, sida ku xusan tirakoobka hordhaca ah ee ay samaysay Wakaaladda Doorashada.

Weli lama wada tirin codadka ay shakhsiyan u kala heleen musharrixiinta Xisbiga, balse Salaad wuxuu weji u noqday Xisbiga Liberalerna oo uu ugu yaraan sabab u noqday inuu codad badan kasoo xasiliyo xaafadaha Soomaalida.

Halkan hoose ka daawo waraysi laga qaaday, isagoo ku dooday inuu Soomaalida codad badan ka helay, balse ay sidoo kale dad kale doorteen.

Linkiga Guji….

Hadalsame Media