De Ligt oo sameeyay arrin ka farxisay taageerayaasha Manchester United (Rajo bidhaantay)

0

(Amsterdam) 25 Maajo 2019 – Gaashaanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa dadka si dadban u dareensiiyay dabuub aan dibnaha soo marin oo ku aaddan inuu u socdo Manchester United.

Barcelona oo horraanba gacanta ugu dhigtay saxiixa saaxiibkii Frenkie de Jong ayaa loo badinayaa inay tahay kooxda saxiixiisa ugu cad cad.

Waxaa taa raacda in ka maqnaanshiyaha Man Utd ee Champions League ay De Ligt ka dhaadhicin karto inuu jac ku dhejiyo kooxda United.

Yeelkeede, taageerayaasha Old Trafford ayaa baraha bulshada ku arkay wax ku dhaliyey inay rajo miciinsadaan, iyadoo ay qaar badani quud darreeynayaan in uu laacibku u socdo dhankooda, sida uu dhigayo Mirror.

Rio Ferdinand ayaa boggiisa soo dhigay sawir ku saabsan kooxdii 2008 Manchester United u qaadday Champions League waxaase boggaa Instagram lagu arkay ”riyaaqa” De Ligt.

Hadalsame Media