DAAWO: Rwanda oo cirka u dirtay SATELLITE-kii ugu horreeyay + Sawirro (Arrin muhim ah oo uu ka caawinayo)

0

(Kigali) 25 Maajo 2019 – Dal yar balse riyo wayn leh, aahay waa sidaa, Rwanda ayaa cirka u gantay satellite-kii ugu horreeyay oo isgaarsiineed si uu dalkaasi uga caawiyo sare u qaadka tayada internet-ka, waxaana mashruucaa ku baxay 2 bilyan oo doollar.

Barnaamijkan ayuu yoolkiisu yahay in iskuullada iyo magaalooyinka fog ee dalkaasi la siiyo internet tayo leh oo bilaash ah oo ay dowladdu daboolayso wixii ku baxaya.

Rwanda oo ah dalka ay ka dhacday colaad uu ka dhashay xasuuqii ugu xumaa qarnigii tegey ee 20-aad, ayaa haatan ka mid ah dalalka nolol ahaan ugu tayo fiican qaaradda Afrika iyadoo maalinba bog cusub oo horumar ah fureeysa.

MW Paul Kagame, ayaa Rwanda ka bedeley hannaankii waxbarasho ee French-ga ahaa, isagoo qaatay hannaanka Ingiriiska, waxaana haatan Baarlamanka dalkaasi u codeeyay in Sawaaxiligu noqdo luuqadda rasmiga ah ee dalkaasi.

Si gaaban, Rwanda waa dal leh higsi iyo hiraal la hubo inuu ficii uga hormari doono.

Si ka duwan dalkeenna Somalia oo ay ka jirto siyaasad aan wax aragti ah xambaarsanayn oo ay odayo fashilmay isku cayrsanayaan.

Hadalsame Media