DAAWO: ”Farmaajo wuxuu noo samaystay jabhado hubaysan anugna…!” – Somaliland oo si cara leh uga hadashay sababta ay ula kulmeen AAW

0

(Hargaysa) 25 Maajo 2019 – Wasiir Gudeedka Somaliland ee Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa wefdi beryahan joogey magaalada Nairobi oo iminka ku laabtay Hargaysa ayaa Ka gubtey su’aal adag oo laga waydiiyay sababta ay xalaal u tahay marka ay la kulmaan madaxda Somalia sida C/raxmaan C/shakuur, balse ay xaaraan u tahay marka ay la kulmaan Xisbiga Waddani.

Yeelkeede, waxaa su’aashii dafay Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo qaab is difaacid balse aan su’aasha ka jawaabaynin u sheegay inay shaac ula kulmaan madaxda Somalia, balse uu is qarxiyo Guddoomiyaha Waddani Md Cirro.

Weriyaha Horncable ayaa markale su’aashii ku celiyay Wasiir Kaahin oo isna markan isagoo jawaabta Faysal u adeegsanaya qaab waraabe u taag ah weriyihii weerar ku qaaday.

”Inta yareed ka qodqodaysaa ka qodmi maayaan, makaroofanka iyo saxaafaddana inta iska yara dhigtid inaad xisbi gashana way kugu fiicnayd.” ayuu yiri Kaahin oo ku celiyay isla jawaabtii Faysal C. Waraabe.

Muuqaalka: Horncable TV

Hadalsame Media