Kooxaha EPL oo CASHAR dhanka dakhliga TV-ga ah u dhigay dhiggooda LA LIGA!

0

(London) 25 Maajo 2019 – Kaliya 3 kooxood oo Spanish ayaa dhanka dakhliga TV-ga horyaalka La Liga ua sarreeya kooxda yar ee ka dheesha English Premier League ee Huddersfield Town, sida la xaqiijiyey.

Kooxahaasina waa Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid oo fasalkii tegey ee 2017/18 ka lacag badnaa Huddersfield oo sanadkan 2018/19 heshay €109.38m oo euro.

Camaaliqooyinka Catalonia ayaa kasbatay adduun dhan €154m – taasoo ah qiime ka yar 6-da kooxood ee ugu sarreeya horyaalka England, iyadoo Liverpool oo aan horyaalba qaadin ay tusaale ahaan kasbatay €172.55m oo euro.

19 ka mid ah 20-kooxood ee uu ka kooban yahay Horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale TV-ga ka helay lacag badan Atletico Madrid oo ka mid ah 3-da kooxood ee ugu dakhliga sarreeya La Liga iyadoo heshay €110.6m oo euro, taasoo muujinaysa farqiga baahsan ee dhanka dakhliga ah ee labada horyaal.

Tusaale kale, kooxda Sevilla oo ah kooxda 4-aad ee ugu dakhliga badan La Liga ayaa heshay €74m oo qura, halka, halka Valencia oo 5-aad gashay ay heshay €65.7m. Hoos ka eeg dakhliga 20-ka kooxood ee Horyaalka EPL.

Fasalka / Koox / Dakhliga TV-ga €m

2018-19 / Liverpool / 172.55

2018-19 / Manchester City / 170.92

2018-19 / Chelsea / 165.31

2018-19 / Tottenham Hotspur / 164,40,40

2018-19 / Manchester United / 161.32

2018-19 / Arsenal / 160.96

2017-18 / Barcelona / 154

2017-18 / Real Madrid / 148

2018-19 / Everton / 145.58

2018-19 / Wolverhampton Wanderers / $ 14.95

2018-19 / Leicester City / 139.61

2018-19 / West Ham United / 138.70

2018-19 / Newcastle United / 135,99

2018-19 / Crystal Palace / 129.29

2018-19 / Watford / 128.93

2018-19 / AFC Bournemouth / 122.41

2018-19 / Burnley / 121.51

2018-19 / Brighton Hove Albion / 119.70

2018-19 / Southampton / 118.07

2018-19 / Cardiff City / 116.26

2018-19 / Fulham / 115.36

2017-18 / Atletico Madrid / 110.6

2018-19 / Huddersfield Town / 109.38

2017-18 / Sevilla / 74

2017-18 / Athletic Bilbao / 73.2

2017-18 / Valencia / 65,7

2017-18 / Villarreal / 65,5

2017-18 / Real Sociedad / 61.5

2017-18 / Malaga / 53.5

2017-18 / Celta / 52.9

2017-18 / Betis / 52.9

2017-18 / Espanyol / 52,4

2017-18 / Las Palmas / 46,8

2017-18 / Eibar / 46.3

2017-18 / Alavés / 46,1

2017-18 / Deportivo / 46

2017-18 / Levante / 45.1

2017-18 / Getafe / 44.5

2017-18 / Leganes / 43,3

2017-18 / Girona / 43,3

Hadalsame Media

Facebook Comments