”Waxaa la iga helay CUDUR halis ah!” – Xaaska Casillas oo todobaadyo yar kaddib jirrada odaygeeda iyaduna soo dhacday + Sawirro

0

(Madrid) 22 Maajo 2019 – Xaaska goolwalaha Iker Casillas, oo horraantii bishan ku sigtay inuu wadnuhu istaago, ayaa daboolka ka qaadday in iyadana laga helay cudur halis ah.

Sara Carbonero oo sidoo kale ah weriye TV, ayaa shalay bulshada u bandhigtay khabarkan naxdinta leh, iyadoo sheegtay in laga helay Kansarka Minka.

Waxay baraha bulshada soo dhigtay farriin darreen xambaarsan oo ay arrintan uga hadlayso, wax ka yar 3 todobaad markii odaygeeda uu wadna xanuun kusoo boodey jeer uu joogey tababarka kooxdiisa FC Porto.

”Xilli aynaan weli kasoo kabanin naxdintaas, waxay noloshu nooga yaabsatay mid kale. Waa lix xaraf oo ay igu adag tahay inaan qoro” ayay tiri.

Sara ayaa sheegtay in iyada oo samaynaysa tijaabo caafimaad oo joogto ah, ay dhakhaatiirtu cudurkan weliba nooca daran (malignant) ka heleen, balse nasiib wanaag lagu qabtay marxalad bilow ah, isla markaana ay dawadu la fal gashay, waloow uu jid dheer oo hardan ihi sugayo, sida ay sheegtay.

Hadalsame Media