”Kenyan-ku waa dad tuugannimada ka gaarey heer SARE!” – Fanaanad Ingiriis oo ka hadashay arrin aan la malaysan karin oo qabsatay!

0

(London) 22 Maajo 2019 – Fanaanadda British-ka ah ee heesaha rapper-ka, Lady Leshurr,  ayaa Twitter kusoo bandhigtay sheeko ku saabsan sida uu nin Kenyan ah, weliba ninkii bandhiggeeda suuq gaynayey uu iskugu dayey inuu baado.

Shalaytoole ayay fanaanaddan oo uu magaceeda rasmiga ihi yahay Melesha Katrina O’Garro, waxay soo qortay: “[Ma] xusuusataan markii aan Kenya u tegey inaan shoow ku qabto? Isla ninkii i marti qaaday ayaa noqday isla ninka isku dayaya inuu i baado, oo uu iibiyo heeso aan weli soo bixin oo aan halkaa ku dhigay… Wuxuu xitaa isku dayey inuu aniga dib iiga iibiyo lacag dhan $5,000 (Ksh507, 000). Cajiib, Kenya[n-yaanoow], waxaad tihiin dad heer aan caadi ahayn ka jooga khiyaanada.”

Waxay sheegtay in ninka ay sheegayso oo ay magaciisa ku sheegtay Trap King Chrome, oo asal ahaan reer London ahaa uu muuqaalka ka qaatay soo saarihii isku dubba ridayay, kaddibna uu arrintaa ku dhaqaaqay.

Waxay sheegtay in iyada iyo Nicki Minaj oo Manchester u jooga bandhig oo ay weliba masraxa u socoto ay heshay khabarka ku aaddan in la dusiyey muuqaalladii ay Kenya ku duubtay, kaddibna ay xitaa taasi dishey tamartii ay ku heesi lahayd.

Dad Kenyan ah ayaa ka xumaaday in arrinta la jamciyo iyagoo fanaanadda usoo qoray jawaabo ku aaddan inaysan dadka oo idil wada eedayn, balse ninka la eedaynayo ayaan weli arrintan ka hadlin.

Hadalsame Media