XAQ SOO BAXAY: Xildhibaannadii la xayiray XIL-GUDASHO hore iyo XIL-GARASHO dambe toona ma lahayn! (Laba arrimood aan dul istaagno)

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2019 – Erayga XIL-DHIBAAN waa eray bixin caadiyan loo sameeya in loo adeegsado qofkii xubin ka ah Baarlamanka, balse eraygu micne ahaan intaa waa ka qara wayn yahay oo waxaa loo adeegsan karaa qof kasta oo xil haya haba yaraadee, waayo waa XIL iyo DHIBAAN oo ah qof xilku dhibayo, yacni dareensan mas’uuliyadda saaran ama XIL-KAS.

Waxaa shalay Gegada Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi laga celiyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DF Somalia, halka qaar kale ay inta iska tuureen Baasaboorkii Somalia ku gudbeen kuwo ajnabi ah oo ay siteen.

LABA ARRIMOOD AANNU DUL ISTAAGNO!

Midda hore, waxaa muuqanaysa in madaxda sare ee DF Somalia ay tooda uun eegtaan oo aanay ka fikirin malaayiinta Soomaalida ah ee ay mas’uuliyaddu ka saaran tahay, iyagoo geed kore iyo mid hoose u fuula in kaliya loo aqoonsado Baasabboorrada shaqo iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay sitaan, iyagoon marna u doodin gebi ahaanba, ama aan ugu yaraan si ku filan ugu ololaynin in isku si loola dhaqmo dhamaanba Baasaboorka Somalia, ama ay hiillo ay u muujinayaan shacabka darteed diidaan in kooda la fasaxo shacabkana la bahdilo.

Nasiib xumo taasi ma dhicin, balse xaqeedii shalay ayuu soo daahiray. Waxayna dhadhamiyeen woxoogaa ka mid ah dawo ay iyagu qoreen iyo arrin ay ahayd in ay si wadareed waa hore uga dhiidhiyaan, balse ay isu dhigteen iyagoo iska dhaadhicinaya in aanu dhibku iyaga soo gaaraynin. ANAANIYAD!

Tan labaad oo ka daroo dibi dhalka ah, mar kalena meel ka dhac iyo AFLAGAADDO ku ah qarannimada dalka, waa inay qaarkood lasoo bexeen Baasaboorro ajnabi ah, iyagoo iska illaawey qaddiyadda guud ee meesha taalla iyo inay yihiin madal ku eedoow iyaga laga doonayo inay furdaamiyaan. FASHIL!

Wasiirrada iska dhaqaaqay waxaa lagu sheegay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, oo Canada sheegtay, Wasiirka Caafimaadka Foowsiya Abiikar Nuur oo Talyaani noqotay, halka la-taliyihii dhamaa ee Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Somalia, Cabdi Saciid Muuse uu Dutch isu rogey.

MID YAAN LA ISKU KHALDIN

Maadaama uu dalku leeyahay xeer ogolaanaya in uu qofka Soomaaliga ihi qaato laba Baasaboor, misna waa in aad looga taxaddaraa arrintan, tanina waxay noqonaysaa tusaale wayn oo halbeeg looga dhigi karo taxaddarkaa loo baahan yahay.

Marka aad tahay nin madax ah oo Somalia xil ka haya waxaad meteleysaa Somalia ee kama socotid dalkii aad beri qaxootiga ku ahayd ee garbadka ku siiyay, sidaa daraadeed, waa inaad laba jeer ka fikirtaa fal kasta oo aad ku dhaqaaqayso oo dhalin kara dood ku aaddan in ay daacadnimadaadu qaybsan tahay (devided loyalty).

Hagaag, markan oo kale goortii laga diidey inay ku gudbaan Baasaboorka dalka ay xilka u hayaan, isle’egtaba sooma geli karto inay lasoo baxaan Baasaboor dal kale, waayo taasi waa yaraysi uu isla qofkii Somalia meteli lahaa una doodi lahaa uu u muujinayo isla Kenyan-kii Somalia la ficiltamayay.

Su’aasha kale ee milyan doollar ku kacaysaa waxay tahay, marka aad adigu iskaga dhaqaaqdo ama Dutch sheegato, waa ayo cidda Somalia u doodaysaa? Yaad se u sheegaysaa xil baan Somalia u hayaa xilkasnimana ma lihi? Sidee Kenya u fahmaysaa siyaasadda Somalia oo ay xilal ka hayaan kuwo xitaa haysta Baasaboorkeeda ama midka Itoobiya?

Arrintani waa inay ugu yaraan dhashaa xisaabtan aad u qoto dheer iyo canaan ballaaran, haddii kale waxaa khasab noqonaysa inay dadka oo awalba aan la dhacsanayn ay aamini waayaan qof sita laba Baasaboor, waloow ayba tahay in ugu yaraan hab-raacyo adag loo sameeyo arrintan.

Shalay wixii dhacay waa CEEB QARAN oo laba jeer ah! Mar diidmada Kenya, marna danayn la’aanta madaxda dal ku galka ku qaadatay Baasaboor shisheeye.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media