Kenya oo albaabada iskugu dhufatay xawaalado waawayn oo ay Soomaalidu leedahay (Digniin!)

0

(Nairobi) 21 Maajo 2019 – Warar naga soo gaaraya dalka Kenya oo aan weli la xaqiijin karin, balse lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in albaabada la iskugu dhuftay 5 ka mid ah xawaaladaha waawayn ee ay Soomaalidu ku leedahay dalkaasi.

Xawaaladaha la xirey ayaa waxaa ka mid ah Amal iyo TAAJ, lamana sharrixin sababta ay Kenya arrintaa u cuskatay.

Yeelkeede, waxaa lala xiriirinayaa tillaabooyin ay dhowaanahanba qaadaysey Dowladda Kenya oo weerar dhinacyo badan ah ku haysa Somalia, waxaana tillaabadan kasii horreeysey madax ka tirsan DF Somalia oo loo diidey inay galaan magaalada Nairobi.

Wasaaradda Gaadiidka Hawada iyo Hay’adda Socdaalka Somalia ayaa sheegay in aan lagu wargelin arrintan oo ay kasii horreeysey in Kenya ay iskeed uga baxday heshiis ku saabsanaa inay dayuuradaha dalka ka tagaa toos uga degaan Nairobi.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah ama fal-celin ah oo laga hayo DF Somalia oo muddo dheer ka aamusnayd tacaddiyo ay ciidamada Kenya sidoo kale ka gaysanayeen gudaha Somalia, gaar ahaan gobollada Jubbaland.

Dad badan oo fogaan arag ah ayaa qaba in la gaarey xilligii ay Soomaalidu qaadan lahayd go’aan horseed ah, inta goori goor tahay, oo ay hantidooda ka qaadan lahaayeen dalkaasi, waayo marka la eego hab-dhaqanka Kenya wax kasta waa ka suuragal.

Hadalsame Media