Siyaasi ka mid ah kuwa aadka u neceb Islaamka oo ay qabsatay FADEEXAD wayn!

0

(Vienna) 20 Maajo 2019 – Saxaafadda dunida waxaa haysta fadeexad iyo ceeb weyn oo ku timid Xukuumadda Midigta ahayd ee dalka Austria, gaar ahaan mid kamid ah hoggaamiyaasha ugu daran Europe ee ku sifoobay Islaam nacaybka.

Baarlamaanka Dalka Austria ayaa ansixiyey Arbacadii lasoo dhaafay xeer ka macmnuucaya gabdhaha dhigta dugsiga hoose in ay xirtaan xijaabka.

Xisbigii keenay soo jeedintan ee Xisbiga Xorriyadda ahna midigta fog, hoggaamiyahoodii ahna Raysulwasaare Ku Xigeenka Dalka Austria, Heinz Christian ayaa la helay shalay muuqaal laga duubay 2017 isaga oo jooga Dalka Spain.

Muuqaalka waa kulan, waxaa la joogta gabar sheegatay in uu adeer u yahay maalqabeen ruush ah oo raba maal-gelin in uu ka sameeyo Dalka Austria. Arrimaha kulankan looga hadlay wey badnaayeen, laakin kuwooda ugu khatarta badan ayaa ah:

Maalqabeenku waxa uu ka taageeri doonaa dhaqaalaha hankiisa doorasho, isagoo sidoo kale dhaqaale ku taageeri doona xisbiga Midigta Fog Ah. Sidoo kale wuxuu rabaa suxufiyiin in shaqo joojin lagu sameeyo. Sidoo kalena, Heinz wuxuu u muuqdaa in uu u ballan qaaday hishiisyo dowladeed oo musuq-maasuq weyn iyo sharci darro ah oo uu ku beddelanayo lacagta maal-qabeenka.

Arrintan ayaa dhalisay in uu iska casilo xilka Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka, iyo sidoo kale Xilka Hoggaamiyaha Xisbiga Xorriyadda ee Midigta Fog ah, oo uu hoggaaminayay qiyaastii 15 sano.

Heinz oo hadlay waxaa uu sheegay in uu iska casilayo xilka dowladda, mana uu rabo dowladda in uu soo gaarsiiyo khasaare intaas ka badan, waxa uuna yiri hadal u dhignaa sidan “Waxaan noqday qof ku jabay ugaarsi siyaasadeed”

Dhibaatadan iyo ceebtan waxay soo baxday 2 beri kaddib markii iskuullada Dugsiga Hoose laga mamnuucay gabdhaha xirashada xijaabka. Waxa uuna Heinz u arkayay in uu gaarey guul, laakin caawa dhiiri buu dhex fadhiyaa.

وَلَا تَحْسَبَنَّ اللَّهَ غَافِلًا عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ

Xigasho: Cabduraxmaan Cabdulqaadir

Hadalsame Media