Magaalo ka raysay maamullada Somaliland & Puntland (Akhri sheekadan)

0

(Sanaag) 20 Maajo 2019 – Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxa habeenkii xalay ahaa u wada howdey wasiirka caddaaladda Somaliland iyo wasiirka waxbarashada Puntland.

Wefdiga labada wasiir kala hoggaaminayaan ayaa kala degay laba Hoteel oo wax yar isu jira.

Badhan waxa maamulkeeda ku loollama maamullada Somaliland iyo Puntland oo mid weliba sheeganayo in ay maamulkooda ka tirsan tahay.

Yeelkeede, dadka deegaanka ayaa u muuqda kuwo bislaaday oo maamulkasta waydiinaya qorshaha horumarineed ee ay u hayaan sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Deegaanka waxa kale oo ka jirta Saldanad dhaqameed guun ah oo inta badan kala badbaadinaysa siyaasadaha iska soo horjeeda ee deegaanka ku hirdamaya.

Waxaa Diyaariyay: Xasan Galaydh

Hadalsame Media