DEG DEG: Baarlamanka oo meel mariyay Xeerka Shidaalka Soomaaliya

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2019 – Baarlamanka Dhexe ee Somalia ayaa meel mariyay Xeerka Shidaalka dalka, kaasoo ahaa hindise sharciyeed ay soo hordhigtay Xukuumaddu, iyadoo lagu ansixiyay qaab gacan taag ah.

Waxaa Xeerkan cusub taageeray oo u gacan taagey 150 xildhibaan, halka ay kasoo horjeesteen 4 xildhibaan oo qura, mana la sheegin qof ka aamusay, marka la eego intii madasha soo xaadirtay.

Xeerkan haatan la meel mariyay ayaa la sheegay in horay loo ansixiyey 2008-dii, balse midkan waxyaabo laga bedeley.

Qorshaha DF Somalia ayaa ku qotoma in Xeerkan oo ay gunuunuc ka keeneen maamullada dalku, loo adeegsado in lagu dabaqo shatiyada shidaal baarista ee ay bixinayso, kuwaasoo la siinayo sharikaad saliideed oo caalami ah.

Maamullada oo beryihii dambe siyaasad cubtan ah la ciyaarayey DF Somalia ayay dhici kartaa inay markale kasoo horjeestaan heshiiskan, iyadoo uu jahawareer ka taagan yahay cidda go’aan u gaari karta dalka maadaama ay maamulladu diidayaan waxa ay go’aamiyaan hay’aadka Dowladda Dhexe oo ay ku leeyihiin metelaado ay iyagu soo doorteen.

Laba sharikadood oo British ah oo lakala yiraahdo Soma Oil & Gas iyo Spectrum Geo, oo baaritaan ku sameeyay dhul badeedka u dhexeeya Kismaayo ilaa Garacad ayaa sheegay inuu halkaa ceegaago shidaal dhan balaayiin fuusto.

Hadalsame Media