DAAWO: Dunida oo la yaabban gabar aan gacmo lahayn oo DUULIYE noqotay + Sawirro

0

(Arizona) 20 Maajo 2019 – Waxaa dabiici ah in ay dad ku fikiryaan in ay ”khasab” tahay in duuliyeyaashu ay laxaad ahaan dhamays noqdaan si ay dayuuradda u hagaan, balse Jessica Cox ayaa arrintaa beenisey dad badanna u noqotay tusaale ay ku daydaan iyo rajo gelinaysa han cusub.

“Waxaan cagahayga ku qabanayaa wixii ay duuliyeyaashu u adeegsanayeen gacmahooda,” ayay tiri Cox oo ay kalsooni ka muuqato.

Gabadhan oo ku dhaqan gobolka Arizona ee koonfurta Maraykanka ayaa ku dhalatay gacmo la’aan, balse waxay booskii gacmaha ku kabtay karti badan.

Cox oo sheegtay inay bilowgii niyad jabsanayd iyadoo aaminsanayd inaysan asaaggeed la tartami karin ayaa sheegtay inay qoyskeeda ka heshay dhiirri gelin. Waxay kaloo sheegtay inay guud ahaanba dayuuradaha ka biqi jirtey balse uu dhiirri geliyay safar ay ku gashay dayuurad yar oo uu duuliyuhu shirka geliyay kaddib wax ka tusay sida loo hago.

Kaddib markii ay ka qalin jebisey Jaamacadda University of Arizona sanadkii 2005, Cox waxay bilowday in barato sida dayuuradaha loo kexeeyo, balse ma sahlayn oo waxay u baahnayn macallin dulqaad badan oo gaar ah.

Kaddib 3 sano oo harjad iyo halgan ah, waxay Cox shahaado duuliyenimo ka qaadatay hay’adda Gaadiidka Cirka ee Federal Aviation Administration sanadkii 2008 iyadoo heshay shatiga lagu duuliyo dayuuradda yar ee Ercoupe, taasoo ay maanta duuliso iyadoo adeegsanaysa cageheeda.

Kaaga darane, Cox ma aha duuliye oo qura ee waxay sidoo kale shahaado ka haysataa dabaasha biyaha guntooda la quuso (scuba diving), waxay darajada 3-aad ka haysataa Suunka Madoow ee ciyaarta taekwondo, halka ay u safartay dalal 20 ka badan si ay dhiirri gelin ugu noqoto dadka aanu laxaadkoodu dhamayn, balse doonaya inay dadaalaan.

Hadalsame Media