”Waxaan doonayey inaan dad badan laayo!” – Wiilal Soomaali ah oo midna la diley midna lagu helay fal argagixiso

0

(Melbourne) 17 Maajo 2019 – Walaalka nin horay u toorriyeeyay nin maqaaxi lahaa oo sidaa ku dhintay ayaa laftiisu haatan qirtay inuu qorsheynayo weerar argagixiso oo dad badan lagu laayo, si uu hormariyo wax uu ku sheegay ”qadiyadda Islaamka.”

Wiil Soomaali-Australian ah oo la yiraahdo Ali Khalif Shire Ali, 22 jir, ayaa qirtay inuu raadinayay qoryo iyo rasaas si uu bilashadii sanadkii 2017 ugu weeraro fagaaraha caanka ah ee  Melbourne’s Federation Square, oo ah meel la iskugu soo boxo xilliyada loo dabaal degayo sanadka cusub.

Maxkamadda Sare ee Victorian Supreme Court oo dacwadda ninkan Arbacadii dhegeysatey ayaa haatan sheegaysa inuu ninkanu qorsheynayey weerar uu dad badan ku xasuuqo, sida ay faafisay ABC.

Ali ayaa ah wiil ka yar mid kale oo 30-jir ahaa, Hassan Khalif Shire Ali, kaasoo si xun u toorriyeeyay milkiilihii maqaaxi laga qaxweeyo, Pellegrini’s Espresso Bar oo lagu magacaabo Sisto Malaspina, 74 jir, bishii Nofeembar sanadkii hore.

Ninkaas ayaa waxaa isla goobta ku toogtey booliiska, waxaana isagoo dhaawac daran ah loola cararay isbitaalka halkaasoo uu ku dhintay. Weerarkaas ayaa loo arkay inuu ahaa mid argagixiso.

Hadalsame Media