XOG: Icardi oo Juventus la gaarey heshiis hordhac ah (Caqabad taagan)

0

(Milano) 17 Maajo 2019 – Kooxda Juventus ayaa sida lasoo sheegayo waxay heshiis afka ah mabda’iyan la meel dhigtay qannaaska Inter ee Mauro Icardi, balse waxaa la isku hayaa kharashka khidmadda ah.

Sida ku qoran, Gazzetta dello Sport, Icardi dookhiisa 1-aad ee qura waa kooxda Juventus, haddii ayba dhacdo inuu xagaagan ka dhaqaajiyo kooxda Inter.

Wargayska ayaa dusiyay xog ku aaddan inay labada dhinac heshiis gaareen ”todobaad kahor”, kaasoo ah heshiis 5 sanadood ah oo uu sanadkiiba ku qaadanayo h €8m oo euro + bareemiyo.

Yeelkeede, waloow ay Old Lady doonayso inay heshiiska ku darto Douglas Costa, kooxda Nerazzurri ayaa dalbanaysa in kaash oo qura laga siisto.

Agaasimaha Guud ee Juve jaalle Fabio Paratici ayaa muddaba aad ula dhacsanaa Lambar 9-kan, kaasoo uu La Gazzetta qorayo inuu iska diidey kooxda Atletico Madrid.

Hadalsame Media