DEG DEG: Dayuurad F-16 ah oo uu Maraykanku leeyahay oo burburtay (Daawo)

0

(Riverside, CA) 17 Maajo 2019 – Dayuurad cabbaysan oo F-16 ayaa ku burburtay saldhigga cirka March Air Reserve Base oo ku yaalla bannaanka magaalada Riverside, California, iyadoo burburisey hooso u dhowayd. Duuliyihii waa badbaadey.

Waxaa goobta loo diray dab-damiska degmada Riverside County, oo ku taalla bariga Los Angeles, gaar ahaan kuwa la macaamila walxaha halista ah, maadaama ay dayuuradduu cabbaysnayd oo ay siddey gantaalo iyo rasaas, sida uu sheegay KNBC-TV.

Waloow ay dayuuraddu dusha kasoo gashay hoosada, misna Afhayeen u hadlay saldhigga March ARB, Gaashaanle Perry Covington ayaa bilowgii u sheegay KABC-TV in ay dayuuraddu burburtay mar ay degeysey balse aanay wax dhisme ah dhib u gaysanin.

12 qofood ayaa isbitaalka loo qaaday si looga daweeyo dhaawacyo yar yar. Dhimasho lama sheegin.

Hadalsame Media