RASMI: Massimiliano Allegri oo ka tegaya kooxda Juventus

0

(Torino) 17 Maajo 2019 – Juventus ayaa faafisay war rasmi ah oo sheegaya in macallinka Massimiliano Allegri aanu noqon doonin midka kooxda hoggaaminaya fasal-ciyaareedka 2019-20.

Waxaa lagu wadaa in arrintan lagu sii faahfaahiyo shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay qaban doonaan maamulka kooxda oo uu ka wakiil yahay MW Andrea Agnelli iyo macallinku, kahor ciyaarta A Serie A ee ay la leeyihiin Atalanta. Shirka jaraa’id ayaa dhici doona 14.00 xilliga maxalliga ah, Allianz Stadium.”

Taasi waxay ka dhigan tahay in macallinku uu qandaraaskiisii kansalay maadaama uu taxnaa tan iyo Juun 30, 2020.

Allegri ayaa ku sugnaa kooxda Bianconeri ilaa 5 fasal-ciyaareed, isagoo u qaaday 11 koob oo ay ku jiraan 5 horyaal oo xiriir ah, laba jeerna yimid dhamaadka Champions League.

Antonio Conte ayaa ka mid ah macallimiinta lala xiriirinayo kooxda Juve.

Hadalsame Media