Waxa ay Somalia ka qabtaan dhakhaatiir laga afduubtay Mandheera & warar is khilaafsan oo kasoo baxaya madax furasho la waydiistey!

0

(Nairobi) 16 Maajo 2019 – Rag hubaysan ayaa magaalada Mandheera ee gobolka Soomaaliyeed ee Woqooyi Bari ee ay Kenya maamusho ka kaxaystay laba dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba.

Warar maanta soo baxaya ayaa sheegaya in raggii afduubtay oo Al Shabaab lala xiriirinayo ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaaraysa $1.5 milyan oo doollar.

Labada dhakhtar ayaa 12-kii bishii Abriil laga kaxaystay Mandheera iyadoo loo dhaqaaqay dhanka Somalia, iyagoo toogtey mid ka mid ah laba askari oo Booliis ah oo dhakhaatiirka ilaaninaysey.

Balse jeer ay haatan Kenya iyo Somalia iska kaashanayaan sidii loo heli lahaa wacaalka nimankan ayaa waxaa soo baxaya war sheegaya in madax furasho lagu dalbaday.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska oo aan magaciisa la shaacin ayaa AFP u sheegay in madax furasho la dalbaday, balse  afhayeenka Booliiska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in aanu xog noocaasi ah haynin.

Ilo ku dhow dhow dhakhaatiirtan oo la fahamsan yahay inay haatan joogaan meelo ka tirsan koonfurta Somalia, ayaa la sheegayaa inay halkaa ka wadaan howlo dawayn ah.

Dhakhaatiirtan ayaa qayb ka ahaa mashruuc ay Cuba 100 dhakhtar ugu soo dirtay Kenya si ay u daweeyaan dadka deggan meelaha fog fog.

Bishii Nofeembar, kooxo hubaysan ayaa watay Silvia Romano, 23 jir, ah gabar gargaarka ka shaqeeysa oo Talyaani ah, taasoo laga qafaashay magaalada ku taalla koonfur bari ee Chakama. Wacaal lagama hayo.

Hadalsame Media