Maxaa iska GALAY qadiyadda Somaliland & nacaybka CALANKA Somalia? (Su’aalo ku socda Somaliland?)

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2019 – Horta in ay Somaliland doonayso inay Somalia ka go’do waa wax la garan karo oo dunida ka dhaca, sax iyo khaladba, inay hirgeleeyso iyo in kalena waqtiga ayaa sheegi doona oo wax aan anigu maanta xukmin karo ma aha.

Jacaylkaygu waa gaar haddii ay tayda tahayna Soomaali oo idil iyo wixii kale oo xukunkeeda ogolba waan midayn lahaa, waayo saas ayaan caano badan haddii cadaalad iyo caqli saliim ah lagu daro. Haddii aan kuwaa la helinna cid kastoo go’daa iyadaa soo kala caban doonta. South Sudan ayaa tusaale nool ah.

Yeelkeede, taa aan u daayo maalin kale oo roob da’ayee, midd aanan garanin waa nacaybka ku fooggan CALANKA Somalia ee horta maxaa iska khuseeya labada qaddiyadood, waxaan aragnaa in dadkii lagu jeediyay nacaybka calan dal oo aan ahayn halka sartu ka quruntey illeen NIDAAM baa wax sameeyay ee calanku wax ma samayn, nidaamka wax sameeyayna wuu ka fac wayn yahay oo walba calan uu nidaamkaasi HINDISEY ma ahane?

Tan kale, haddii tusaale ahaan ay berri Somaliland dal noqoto maxaa la samaynayaa sidee Somalia loola macaamilayaa ma waxaa la dhihi doonaa si aanu xiriir u yeelanno horta calankiina xoora illeen ilmaha ayaa nooga ”sasayee?” Mise calankii intaas oo sano dadka la nacsiinayay ayaa la oran karaa caadi u arka? Illeen xitaa haddii lakala go’o calanka Somalia wuu iman karaa Somaliland e.

Kuna darsoo, maantadan la joogo waxaad Muqdisho ka heli kartaa dad sita astaamo muujinaya calanka Somaliland ama gawaari ugu xiran yihiin, sida Gaadiidka Dadwaynaha, taasina kama dhigna in reer Muqdisho ay Somaliland u arkaan dal madax bannaan, balse xitaa haddii dadka laga ururiyo calamada Somaliland midnimo gaar ah oo ay soo kordhinaysaa ma jiro, haddii loo daayana dal sidaa ku imanayaa dhalan maayo. Waxaa loo baahan yahay dood maangal ah.

Waxaa dheer, haddii lacalla go’itaanku fashilmo oo socon waayo ama lagaba noqdo oo midnimo dambe la iskugu yimaado maxaa laga yeelayaa iyana? Sidee dadka calankii intaas oo sano la nacsiinayey looga iibin doonaa inay u arkaan calanka dalkooda?

Waxaa dheer in calanka buluugga ah ee 5-ta xidigood ee cad lihi uu qof kasta oo Soomaali ah u leeyahay micne khaas ah una yahay astaan RUUXI ah, waayo calankani wuxuu timaamayaa 5-ta Soomaaliyeed, oo xitaa haddii aanad maamul ahaan hoos tegin dalka iska leh ee Somalia, waa astaan jiritaankaaga muujinaysa oo aad iska dhex arkayso markaa waxaan qabaa in lala dagaallamaa inay wax micne ah abid ku kordhin doonin qadiyadda Somaliland, loona baahan yahay qorshe ka bisil in la colaadiyo calanka Somalia.

Sideedana nacaybku waxba kuma taro qofka sida, qofka loo qabana waxba kama tiro, balse waa culays aad ka nasanayso marka aad iska cafiso qofka aad neceb tahay. Aan booska nacaybka jacayl iyo iskaashi ku bedelno si caqligeenna qalloocan, haddii aan Soomaali nahay guud ahaanba, uu saaxi ugu shaqeeyo oo aan cadowgeenna dhabta ah u dareenno una aragno.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media